|

Tiradii Ugu Badnayd Ee Ciidamada AMISOM Oo Iskaga Baxay Somalia Iyo Sababta Oo La Ogaaday

Muqdisho:June,01,2015(SDN/QJ)-Inkastoo ay haatan Somalia ka socdaan Hawlgallo aad u waaweyn oo lagula dagaallamayo xoogagga Al-shabaab, haddana waxa maalintii shalay Somalia isaga Baxay tiro badan oo ciidamada Burundi u dhashay, kuwaas oo waddankoodii gaadhay.

burundInta la xaqiijiyay in ka badan {1,828} kun sideed boqol labaatan iyo sideed askari oo Burundiis ah ayaa Axaddii shalay ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo dalka Burundi dib ugu laabtay.

Sababta bixitaankaan ayaa lagu sheegay inuu yahay saamayn ciidamada Burundi ee duulaanka ku jooga Somaliya ku yeelatay qalalaasaha ka jira dalka Burundi kaasi oo ah mid u dhaxeeya mucaaradka iyo shacabka  Burundi oo isku dhinac ah iyo dowladda dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay askartaasi ayaa ku sifeeyay bixitaanka askarta reer Burundi inay tahay mid badal ah, balse ilo-wareedyo hoose oo warbaahinta qaar soo xiganayaan ayaa waxey xaqiijiyeen inay ciidamadani u baxeen sababo la xidhiidha qalalaasaha ka jira dalka Burundi, iyadoo ay suura-gal tahay in askarta Burundiiska ah ee wali ku hadhsan Koonfurta Somaliya in iyaguna ay baxaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed