|

Masar oo Daboolka ka qaaday Heshiis ay Soomaaliya kula galayso Horumarinta dekedda Berbera iyo Ujeeddada ay ka leedahay

Qaahira, 01.June 2015 (SDN/QJ)- Saraakiil u qaabilsan Beeraha, iskaashiga iyo Ganacsiga Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday inay iskaashi cusub kala yeelan doonaan xukuumadda Soomaaliya heshiis lagu horumarinayo dekedda Berbera, kaas oo lagu sheegay inuu marin u noqonayo dhoofka Xoolaha Soomaalida ee la geeyo dalka Masar.

XOOLO-KA-DHOOFAYA-DEKEDDA-BERBERA-300x216Sida lagu baahiyey Wargeyska Egypt Independent oo aanu warkan ka soo xigannay, saraakiisha Masar ayaa sheegay inay horumarin ku samayn doonaan kaabayaasha dekeda Berbera, kana dhisi doonaan maxjaro iyo dukaamo lagu iibiyo hilibka oo ganacsato reer Masar maalgelin doonaan.
Hadalka xukuumada Masar ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo inuu booqasho ku tago dalka Masar Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Soomaaliya, kaas oo kulamo arrintan lagaga hadlayo la qaadan doona Wasiirka Beeraha Masar Saalax al Hilaal, Sida wargeysku qoray.


Gudoomiyaha ururka Afrika ee dhoofiya lo’da Hassan Hafez, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada wasiir kala saxeexan doonaan heshiisyo iskaashi dhinacyada ganacsiga cuntada, daawooyinka iyo adeega guryaha, halka dalka Masar uu ka soo dhoofsan doono lo’da iyo kalluunka Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u haysato dhoofinta lo’da nool maadaama ay ku nool yihiin tiro kor u dhaaftay 30 milyan oo neef lo’ ah.
Lama oga sababta dowladda Masar u danaynayso inay isticmaasho dekedda Berbera maadaama ay jiraan dekedo kale oo ku yaala dalka Soomaaliya, mana jiro qorshe hore loo shaaciyey oo dalkaasi ku danaynaynayo dekedda ama kala soo xidhiidhay xukuumadda Somaliland.

Qaahira SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed