gabaygii cuyub, waxa curiyay maxamed yaasiin maxamed ikacase
dadkii soo joogay jabkii iyo halaagii dagaaladii 1988kii ay ugu qaxeen itoobiya dabadii iyo wadanka la soo galay rafaad siyaado ah ayaa waxaa iyana mar labaad qabsaday mid labaad oo aanay mar keliya ka filayn inuu ku dhaco kaas oo ay abaabuleen siyaasiyiintii markaa dadka horjaagaha u! ahaa taasoo aan dagaaladaa aad uga xumaadan iyo sifaha ay u dhacayaan,kuwaasoo si isdaba joog ah uga bilaabmay magaalooyinka burco berbera hargaysa iyo meelo kale oo badan markaasaan curiyey gabaygan waana kan hoose
- Cuyub gigantayl caynaankan go’an taladan gowdiida
- Garkaa iyo garkaa sheekadaan gees u bixi wayday
- Ee gogosha diidiyo fadhiga gar iyo dawgeeda
- Ee gulufka loo wada hinqaday waa tu gooniyahe
- Gurxan beena goolaaftan iyo gumuc hed aan goynin
- Gondohoo rasaas lala dhiciyo guudka iyo baalo
- Iyo wuxuu gucluhu meeri jiray garasho waayeele
- Ma maantaa gantaalkii wadnaha gooyay hanaqayga
- Ma hilbahaygii baa haadku gigay gees kastaba yaala
- Ma kuwaan u duur galay dhibkana aan u golosoobay
- Ee aan u guudmeer ahaa inaan ka guud qaado
- Nacabkii gilgilayaan anigu adhaxda aan gooyay
- Kuwii shalayto gaashaanka iyo garab ahaa xoogle
- Ishinka iyo goolkiyo adhyaha lo’ iyo geelooda
- Kuwii huray gasiinkooda een guunyo tacabaynin
- Ee gargaar wixii loo holado gadayey taagtooda
- Guno iyo itaalkood kuwii meel isugu geeyey
- Ee gumuca kii helay ka kale ugu gargaaraayey
- Ee aan gooni iyo goobo iyo kala ahayn geedo
- Gacalkii midaysnaa miyaa maanta kala guuray
- Oo ay qoloba hayb gaara iyo guuto qalabaysay
- Ma dadkii gudoodiga la miray gadashadoo raadle
- Ee gadiid badheedh loogu dilay lana gumaadaayey
- Gabashii hablaha lagu dhigiyo gaari iyo hooyo
- Ee weliba gogol dhaafka layd laguna gaadiidshay
- Wax gunimo ka wayn baanan arag tii laynoo galaye
- Nin gumaysigii faalso ogi wuu ka guban laaye
- Gama’ iyo markaan jiifka iyo gogosha diidaynay
- Gocashada lurkeediyo markaan ciil la gubanaynay
- Ee aan ku wada gaadhanayn hubabka gaashaaman
- Guluf iyo colaadii markay curatay guusheenu
- halkii aan gargaar filayey iyo Guule loo mahadsho
- Ubadkii miyuu goohayaa oo la gabay beesha
- Ma gedii afwaynaa bulshadi loo galaa bixiyey
- Raqdan haadku gigayiyo lafahan galayax aad moodo
- Waxan geesi iyo hanaqaad god galay gabanadaa hoobtay
- Asay gabadhan qaadiyo ilmahan gebi agoomoobay
- islaamahan goblamay maadidaa waxa la gaadhsiiyey
- Ee Gaariyow loo wanjalay yaa gar marindoona
- Shalay godolki maandeeq inay gaagax tahay maanta
- Gayaxaysantahay oo aan gorof laga gangaamaynin
- Oo ay gabnowdaan Gadhlow muran ka guuxayne
- Waxa gabay haleeladan tolow yaa garmarin doona
- Gobanimadan xirjiruhu guntamay dhiig u galacleeyey
- Calankaa gucliyo raacdo iyo geeri lagu keenay
- Oo aan u garab beelayoo aan u gacal waayay
- Inay noloshu gaylgaylantoo nabadu goofowdo
- OY gudhan xaqiiqdii tagtaa ma ay gudboonayne
- Cabashada Hadraawooy geyiga yaa garmarin doona
- Shilke guuxay suugii gurxamay ganayey leebkiisa
- Baroonkii godladay garaabiiga iyo sebenki go’wleeyey
- Siikaawihii gaydhamiyo guda yarow jiibka
- Gowdii jikraha bii emkiyo gubashadii rayska
- Ceebtii arladan gaadhay iyo gibilka shaashoobay
- Wuxuu gubay murtaygii geyiga lagu garaacaayey
- Ee kaydow gelgelin uu ka dhigay ama hed uu gooyey
- Ee saaka gudaheeda jira yaa garmarin doona
- Ha garmaamo socotoo intay fadalo dheer goyso
- Xinjiraha ka go’bo yidhi wuxuu godano dheer buuxsho
- Dhiiguna ka galacleeyo oo gaawe laga dhaansho
- Godobtaa arladan yuururtee labada gow joogta
- Gocashiyo dhacdadan yaabka lihi waa tu gooniyahe
- Qaysow gef iyo daanadaa gacalka soo joogta
- Een laysugu garaabayn talow yaa garmarin doona…………………….
……………….
wa bilaahi towfiiq
maxamed yaasiin maxamed ikacase