Qaabka somaliland Cadkeedii Uga Ridatay Qaramada Midoobay una ogolaatay in Qaxoontigu dekedaheeda ka soo degaan DAAWO
Hargaysa 30.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay in qaxootigii ka imanayey dalka yaman ee dhowaan la hakiyey dib loogu ogolaaday inay ku soo degaan ciidda Somaliland ugana sii gudbaan dalalkoodii, ka dib markii ay hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxootigu aqbaleen dalabaadkii Xukuumada JSL shuruudaha uga dhigtay soo dhoweynta qaxootigaasi.
Md cali maxamed warancadde wasiirka wasaaradda arimaha gudha ayaa ugu horayn bulshada u sharaxay sababihii markii hore loo hakkiyey in qaxootigaasi lagu qaabilo ciida Somaliland iyo xalka xiligan laga gaadhay arintaasi
Dhanka kalena wasiirka arimaha guduhu waxa uu tilmaamay qaabka ay Xukuumada Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya u musuqmaasuqeen dhaqaalihii qaramada midoobay ugu talo gashay in dadkaasi lagu daadgureeyo
Md Cali Siciid Raygal wasiirka wasaaradda Dib u dejinta ee JSL oo isna shir jaraa’idkaasi ka hadlay waxa uu faahfaahiyey aqbalaadda hay’adaha caalamiga ahi ka sameeyeen ka qayb qaadashada daryeelka qaxootigaasi.