Somaliland Oo Markale Aqbashay Qaxootigii Yemen Ka Imanayey Oo ay Hore u Diiday
Hargeysa:May,30,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markale dib u fasaxday Qaxootigii Soomaaliyeed eek a imanayey Waddanka yemen, kuwaas oo ay hore u mamnuucday inay Xeebaheeda kasoo degaan.
Wasiirka Wasaaradda Dibu-dejinta Somaliland Cali Siciid Rayga, oo goor dhaweyd shir jaraa’id qabtay, aya aku dhawaaqay inay xukuumaddu qaadatay Go’aan ka duwan midkii hore , waxana uu arrintaas ku macneeyey inay farriimo qaxootiga lagu taageerayo ka heleen Hay’adaha Qaramada midoobay ooh ore arrintaas uga cago jiiday.
Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay Qaxootigaasi dalka iman karaan, maadaama Hay’ado badan ballan ku qaadeen inay Gaadhsiin doonaan Goobaha ay u socdaan.
Dhawaaqan haatan ee somaliland ka yimi, ayaa imanaya kadib markii Hay’ado qaramada midoobay ay si weyn u cambaareeyeen Dhaqanno dhawaan ay somaliland kula kacday Qaxooti kasoo cararay dagaallada waddanka Yemen, kuwaas oo loo diiday inay kasoo degaam Maraakiib Dekedda kusoo xidhatay Habeennadii ugu dambeeyey.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.Com
Contact@somalidiasporanews.com