|

“Markii hore Cali Khaliif baan la xidhiidhay, waxana uu igu yidhi Xamar kaalay hallagaa diree, markii dambena Cali Ciise Cabdi baa ii soo sameeyey diyaaradahan.” Fu’aad Aadan-cadde

Hargeysa:May,30,2015(SDN/QJ)-La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Bariga Fu’aad Aadan-cadde, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Warar sheegaya in socdaalkiisa turkiga ay si weyn uga saacideen Saraakiisha ugu sarraysa Maamulka Khaatumo, waxana uu sheegay in arrintaas ay jirto.

FU'AADFu’aad Aadan-cadde oo isagoo Turkiga jooga la hadlay Telefishanka Star Tv, ayaa sheegay in lacagta uu safarkaas ku galay ay xukuumadda Somaliland Bixisay, balse hannaanka  socdaalkiisa ay lug weyn ku lahaayeen Saraakiisha Kooxda Khaatumo oo ayku beel yihiin,

“madaxweyne Siilaanyo Toban kun oo Dollar buu bixiyey, wasaaradda Khaarajiguna waxay keentay Baasaboorradii iyo Fiisihii, Cali Ciise Cabdi oo Ethiopia Joogay baa ii sameeyey, diyaaradahaana I diiday oo yidhi Qof jaban ma qaadno, aniguna khaatumo iyo waxaas ma aqaanne nin aanu ilmaadeer nahay oo isku arday ahayn saaxiibna ahayn” ayuu yidhi Fu’aad Aadan-cade.

Fu’aad oo Hadlakiisa sii wata ayaa faahfaahiyey qaabilaadda uu Cali Ciise Cabdi oo Saraakiisha Khaatumo kamid ah u sameeyey, waxana uu yidhi,

“Sida uu igu qaabilayna waxay ahayd diyaaradaha oo idiiday buu ii fudaydiyey ta Ethiopia iyo tii Turkiga, dee diyaaradahana lama khasbi karo in bandanna waxan sugayey diyaarad I qaadda oo ikeenta Turkiga.”

Sidoo kale waxa uu Fu’aad aadan-cadde ka warramay xidhiidho hoose uu intii aan Somaliland laga qaadin uu la sameeyey Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxana uu yidhi,

“Markii hore Cali Khaliif baan la xidhiidhay,  waxana uu igu yidhi Xamar kaalay hallagaa diree, dabadeedna Wiil baa ka xanuunsaday oo maraykan buu aaday, markii dambena Cali Ciise Cabdi baa ii soo sameeyey diyaaradahan.”

Warkan kasoo yeedhay Fu’aad aadan-cadde, ayaa muujinaya Sida ay siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanada Khaatumo meel kasta oo ay joogaanba xidhiidhka tooska u leeyihiin iyo sida aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga Warqabin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed