Wasiir Xirsi Oo Cod Dheer Ku Sheegay Inaanay Xukuumaddiisu Itaal u Haynin Qaabilaadda Qaxootiga Somaliyeed ee Yemen Kasoo Cararaya
Hargeysa:May,30,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Toddobaad kadib markii xukuumadda uu katirsan yahay mamnuucday inay qaxootiga somalida ahi Dalka kasoo degaan arrintaas ii adkeeyey, waxana uu tilmaamay inaanay wax awood u lahayn qaabilaadda dadkaas.
Wasiirku waxa uu sheegay in kaliya ay qaabilayaan qaxoontiga u dhashey Wadankaasi Yemen iyo waliba kuwa Itoobiyaanka ah laakiin, waxa uu Wasiirku xusey in loo sameyn doono naxariis iyo in loo gudbiyo wadankoodii, kuwa hore qeybaha kalena la joojiyay.
Hadalkan Wasiir Xirsi ee ku sahabsan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo uu ku faafiyay bogiisa twitter-ka oo ahaa qoraal ku qoran luuqada ingiriisiga ayaa noqoneya markii u horeysay ee uu soo dhigo qoraal noocaas oo kala ah, waxa uu daba socdaa hadal u dhawaan Warbaahinta ka jeediyay, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade,kaas ku sahabsanaa qaxoontiga Soomaaliyeed ee kasoo cararey dagaalada kasocda Wadanka Yaman.
Somaliland waxa si weyn loogu dhaleeceeyey nidaaamka ay ula dhaqantay qaxtoogi soomaaliyeed oo saarnaa markab kusoo xidhay Dekedda Berbera, kuwaas oo loo kala soocay Goobaha ay kasoo kala jeedaan, isla-markaana la diiday kuwoodii koonfurta Somalia inay Markabka kasoo degaan.
SDN/QJ