|

Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in aan lala socodsiin Hub Imaardku ugu deeqay Jubbaland

Muqdisho May 29,2015(SDN/QJ)-Waziirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye cumar ayaa sheegay in dowladda federaalka ah aysan la socon hubkii dhawaan dowladda imaaraatka carabta ay ku wareejisay Maamulka KMG ah ee Jubbaland kadib markii dowladdaasi ay sheegtay in ay ugu deeqday.

Waziir hadliye ayaa shaaciyey in ay baaritaano ku wadaan hubkaasi isaga oo sheegay in gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay kusoo kordhayeen waxa uu ugu yeeray Xag jiriinta taasi awgeedne dowladda Soomaaliya ay wax ka Qaban doonto dagaalada ay kula jirto Al-Shabaab.

Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa dhawaan la wareegay deeq military oo uu ku wareejiyey safiirka Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya kadib markii munaasabad arintaasi ku aadan ay ka dhacday magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka iyo Maamulka KMG ah ee Jubbaland oo ku aadan warkaan kasoo baxay wazaaradda arimaha dibadda Xukuumadda Soomaaaliya.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed