|

sawaxan (gabay) w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase

Waxaa had iyo jeeraale dadku ay ku fooganyihiin qisooyinka dadka kale ee ku xeeraan oo aanay mar keliya aanay afka ka qaadin ka sheekayntooda,taasoo ayba soomalidu ula baxday maahmaah ay ku xalaalaysanayaan iyagoo yidhaahda xoolo waa geedo daaq dadna waa xandaaq,waxaanay inta badan ugu badan yihiin xiliyada ababinta nolosha guurka ugu horaysa oo ay sifayaal badan uga sheekeeyaan ama ayba ugu naqdiyaan taasi daraaadeed ayaan gabaygan yar ee gaaban aan taariikh ugu curiyey i soo martay xusuusna ii leh waana kan

sawaxan (gabay)

  1. nimanyahaw sifihii boodharaan saaka taagnahay
  2. sixun oo wax loo sheego iyo sawd la darayeeyo
  3. dacaayad aan sal iyo baar lahayn oo la saxanaayo
  4. soomaali waa caadadeed eray la soofshaaye
  5. warar aanay saad iyo ku qabin sooryo iyo dhuuni
  6. oo aanay deeq siman ka helin bay sarifayaane
  7. saylad bay la wada taaganyiin waxaan dux siinayne
  8. bal maxaa sawaxankowgu wacan waa su’aal qorane
  9. waa sideetamaadkii xiligu tiro sagaalaade
  10. seben weeye aadmigu ilbaxay gaadhay samadaase
  11. dayaxaa salaan loo dhigtiyo dirirki soognaaye
  12. satalayt ayay beegsadeen saan cadaaluhuye
  13. kolba saacad bay guudka sare soo dulmarayaane
  14. sayn dheerta waaberi laxaha sooga dhaladeena
  15. meerkuriyo sitaanay koreen oo ay sahansheen
  16. waa kuwaa afyuubkiyo ku sugan urur sagaalaad
  17. maantana inay sees dhigtaan bay sindahayaan
  18. iyaguna waxay sooganyiin seero jaahiliye
  19. sodonkii ayay taaganyiin siday ahaayeene
  20. maxaa seejay oo horumarkii suufka kaga giijay
  21. afartaa intaan soo dulmaraysiin ma ku adkeeyey
  22. ma salimay intaan ararta simaygarasho mow soocay
  23. sifahaan lahaan jiray miyaan sadaro waydaarshay
  24. sa’ da kale balaan sugo murtida gabaygu waa seese
  25. sawd iyo odhaah iyo sarbeeb caashaq sidigaysan
  26. niyad suuban uur saafiyiyo sacabo rayn rayn leh
  27. farxad saaqda nabad iyo salaan labo la saanqaada
  28. oo aan samayn foolxumiyo hawlo saqajaanle
  29. ayaa duulna seetow sitaa kala sandhiidhkoode
  30. sakal bay la wada maaganyiin inay u soohaane
  31. darbaa saamigood yahay inay kala sumeeyaane
  32. waa sifihii cilmiba hoy geshiyo seegistii hodane
  33. bal maxaa ku saajaray waxaan dani uga suurtoobin
  34. nafi waa sed oo waa sir culus ruuxi sahashowe
  35. waa seeto dheer ood sanado qoob ku sidataaye
  36. sifahaan ku rayn rayn lahaa sebeno dheeraada
  37. hadii aan u sahan tegay hadaan sabo wanaagdoortay
  38. sinjiga iyo dhiigay hadaan sowjad ka haleelay
  39. waar ma sebi agoonaan wanjalay sidani waa yaabe
                              abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase

 

Comments are closed