|

Nuxurka Go’aamo ka Soo baxay Shir ay Ganacsatada iyo Xukuumadu kaga arrinsanayeen sidii daaqada looga tuuri lahaa Isticimaalka Dollarka

Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa xawillaadaha lacagta, ayaa ku heshiiyey in adeegyadooda ay ku bixiyaan shillinka Somaliland si kor loogu qaado qiimihiisa, meeshana looga saaro isticmaalka dollarka oo saamayn ku yeeshay sicir-bararka dalka.

joojinta dollarkaKulan lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa oo ay ka qaybgaleen wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta iyo Ganacsiga, Guddomiyaha Baanka Dhexe, Ururka Xawaaladaha iyo wakiillo ka kala socday qaybaha lacagta telefoonnada lagu isticmaalo ee shirkadaha isgaadhiisnta Telesom iyo Somtel – ZAAD iyo E-dahab, waxa lagu go’aamiyey in lacagta shillinka Somaliland noqoto isticmaalka kowaad ee adeegyadooda, iyadoo ururka xawaaladuhu halkaasi ka ballanqaaday in kala badh lacagaha dollarka ee loogu soo diro dadka ay shillinka Somaliland ku siin doonaan, halka madaxda qaybaha ZAAD iyo E-dahab ku shaaciyeen waqtiga ay bilaabayaan in adeegyadooda lagu isticmaalo lacagta dalka.

Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa sheegay inay wax badani uga hirgeleen dadaallo muddooyinkii u dambeeyey ay ugu jireen isticmaalka shillinka Somaliland, taas oo qiimo dhaceedu halis ku yahay guud ahaan shacabka, gaar ahaana ay saamaynayso shaqaalaha dawladda iyo ciidammada oo mushaharka dawladdu ku siiso shillinka dalka

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in dejinta sicirka lacagtu dan u yahay cid walba ganacsade, shacab iyo dawladba, isla markaana ay muhiim tahay in shirkadaha ka shaqeeya isu-socodka lacagta ay is-faham ka yeeshaan isticmaalka lacagta Somaliland, “Xawaaladuhu meel adag ayey kaga jiraan nolosheenna, haddayna xawaaladuhu aanay isku xidhayn keena dibadda ku maqan iyo ka dalka gudihiisa jooga maanta may jirteen nolosha ay ku noolyihiin dadka ku xidhan eheladaasi, maantana waxa Ilaahay mahadii ah inay nala qaateen in lacagta shillinka Somaliland kor loo qaado,” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali oo isaguna kulanka ka hadlay, ayaa ku wargeliyey dadweynaha reer Somaliland in shirkaduhu lacagta ku bixinayaan shillinka Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaannu isku afgaranay qolada Zaad-ka, E-dahab-ka iyo xawaaladahaba in isticmaalka lacagta shilinka Somaliland la hirgeliyo 15-ka bisha June, annaguna waxaannu diyaar u nahay in wixii dhibaato ah ee idin ka horyimaada aannu idinla garab-istaagno. Shacabkana waxaan ogaysiinaynaa in dadka loo soo diro lacagaha ay 30% ku qaadan doonaan lacagta shillinka Somaliland, waxaannan dadweynaha u soo jeedinayaa in aanay xawaaladaha wax buuqa ku samayn oo sidaa ay isku afgarteen xukuumadda iyo shirkaduhu.”

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa u mahadcelisay shirkadaha xawaaladaha iyo isgaadhsiinta ee go’aamadan la qaatay, iyadoo xustay in tallaabooyinkani wax badan ka qaban karaan sicir-bararka mashiishada iyo guud ahaan nolosha dalka

Xukuumad ahaan lacagta noo soo xarootaa waa lacagta shillinka Somaliland, markaa haddii aynu hawshan dhaqangalino oo Looxa iyo Sibidhkaba lagu iibinaayo lacagta shillinka Somaliland uma baahanayo ganacsaduhu inuu lacagtii dib u sarrifo,” ayey tidhi Marwo Samsam.

Masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socday ururka xawaaladaha, shirkadaha isgaadhsiinta iyo qaybahooda lacagta elektarooniga, ayaa iyaguna hadallo ay madasha ka jeediyeen ku soo dhaweeyey qorshahan dalwaddu wado, iyagoo fulinta waxyaabaha la isla qaatayna halkaasi ka ballanqaaday.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed