|

Xukuumada Somaliland oo ku Fashilantay inay la Tacaasho Sicir bararka Maceeshada iyo Hoos u dhig lagu sameeyo dollarka oo quus laga Joogo

Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)-Qiimaha sarifka Dollarka ee lacagta qalaad, ayaa gaadhay muddooyinkii u danbeeyay halkii ugu xumayd gaar ahaan Suuqyada sarifka ee magaalada Hargeysa, iyadoo qiimuhu malinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayo .

oday waayeelXukuumada Somaliland ayaa Shirar Xidhiidh ah la leh Shirkadaha Waaweyn Sida Xawaaladaha,Telesom, Somtel,Ganacsatada iyo Sariflayaasha oo ay ka dalbatay inay Shilling Somaliland Wax ku iibiyaan si ay meesha uga baxdo adeegsiga joogtada ah ee dollarka Maraykanka.

Qiimaha Boqolka dollar ee Maraykanka ayaa Maanta maraya 760,000 halka hadii Qofku doonayo 100 dollar uu ku heli karo 790,000 taas oo ka dhigaysa heerkii ugu sareeyay ee abid uu ka maro Suuqyada wax kala iibsiga .

Suuqa LacagahaKor u kaca Maceeshada ayaa saamayn culus ku yeeshay nolosha bulshada siiba kuwooda danyarta ah iyadoo qofkii loo soo diro 100 dollar ay ka dhigayso mid aanay wax la taaban karo u qaban.

Baanka dhexe ee Somaliland ayaan ilaa hada la iman Siyaasad uu ku xakamaynayo Sicir bararkan xadhkaha goostay.

Ganacsatada Waaweyn,Shirkadaha Xawaaladaha iyo Sariflayaasha ayaa Shir ay Shalay la yeesheen Xubno ka tirsan Wasiirada Somaliland iyo Baanka dhexe waxay iskula qaateen inay Mudnaanta kowaad siiyaan lacagta Somaliland si loo yareeyo saamaynta dollarka,taas oo dhinacyadaasi isla qaateen in la dhaqan geliyo 15 bisha June,hasa yeeshee dadka aqoonta u leh arrimaha ganacsiga ayaa ku doodaya in hindisahani aanu ku salaysnayn Wax Cilmi dhaqaale ah.

Si kastaba ha ahaatee Kor u kacan ku Yimid Maceeshada daruuriga ah ayaa horseedaya in qoysas badani aanay dhariga dabka saaran.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed