|

Lafo Dad oo laga Helay Qubuuraha Naasa-hablood,Dareemo Shaki leh oo laga Muujiyay iyo Naxdinta Bulshada

Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Guntimooyin Lafo ah Dad ah oo sida la sheegay Baco iyo Maryo lagu mooriyey, ayaa laga helay Xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga Magaalada Hargeysa,sidaas waxa xaqiijiyey Saraakiisha Nabad-gelyada iyo Dawladda hoose ee Degmada Gacan-libaax.

lafo dadLafahan ayaa waxa lagu daadiyey meel banaan oo Xabaalaha dhexdooda ah, halkaasoo laga soo qaaday, kaddib markii laga war-helay, isla markaana arkay iyagoo ku jira Baco iyo Maryo sida warka lagu sheegay lagu soo riday markii halkaa la geeyey.

Ciidamada Ammaanka ee qaybta Bariga Hargeysa ayaa la wareegay Lafahan, kuwaasoo ka soo qaaday goobta lagu daadiyey.

Booliska ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay Rag Xafaariin ah oo ka xoogsada qodista Xabaalaha oo ay halkaas ugu tageen, kuwaasoo sida la tilmaamay Boolisku uga shakiyeen inay qayb ka yihiin falkaas.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Booliska iyo Laamaha kale ee Ammaanka ee dawladda oo ku saabsan Dhacdadan oo Argagax iyo Jahawareer ka abuurtay Magaalada Hargeysa tan iyo markii warkeedu soo shaac-baxay Arbacadii Dooraad, iyadoo Saraakiisha Booliska ee Waaxda iyo kuwa qaybta oo aanu isku daynay inaanu ka helno xog dhamaystiran oo ku saabsan arrintani ka gaabsadeen inay wax macluumaada oo la xidhiidha dhacdadaas bixiyaan.

Wariyeyaal ka howl-gala Warbaahinta Madaxbanaan oo tegay Saldhiga Booliska ee Xaafada New-hargeysa, si ay Sawirro iyo Xogo dheeraada uga helaan sheekada ku saabsan, Lafahan dadka ee laga soo qaaday Xabaalaha dhexdooda, ayay Madaxda Booliska ee Saldhigaasi ku gacan-saydheen inay wax tafaasiil ah siiyaan.

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Shiraaqle ee Degmada Gacan-libaax Mr. Yaasiin oo ay Wariyeyaashu Xafiiskiisa ugu tageen ayaa u diiday inay xataa Sawirro ka qaataan Lafahaas, sidoo kalena Taliyaha Qaybta Bariga oo aanu Khadka Telefoonka kala xidhiidhnay si dhacdadan aanu wax uga waydiino ayaanay noo suurto-gelin, kaddib markii uu ka jawaabi waayay Telefoonkiisa gacanta.

Hase ahaatee, sida ay Wariyeyaashu ka soo xigteen Saraakiisha Dawladda hoose ee Degmada Gacan-libaax iyo dad goob-joogeyaal ah, Lafaha laga helay Qubuuraha dhexdooda, ayaa ah kuwo Duug ah ama wakhti hore sida la tilmaamay Ruuxdoodu dhimatay, waxaanay sheegeen in loo malaynayo  lafahaas in laga soo saaray Meel kale.

Lafahaas waxa lagu wareejiyey Booliska oo baadhaya waxa ay yihiin iyo meesha laga keenay, iyagaanad xogta ka heli kartaan, laakiinse annagu ilaa hada waxaanu ognahay inay lafahaasi yihiin kuwo duuga oo Baco iyo Maryo lagu xidhay, waxaana howshaas gacanta ku haya Boolis” sidaas waxa Wariyeyaasha u sheegay Guddoomiayaha Degmada Gacan-libaax Cabdi Qawdhan oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

Guddoomiye Qawdhan ayaa isna ka gaabsaday inuu bixiyo tafasiil intaas ka badan oo ku saabsan dhacdadan ugub ah.

Sidoo kale mid kamida Raga Xabaalaha Qoda oo ay Wariyeyaashu kula kulmeen Qubuuraha, ayaa xaqiijiyey in halkaas laga helay Lafo dad oo lagu dhex qubay Xabaalaha dhexdooda. Ninka Xafaarka ah oo Magaciisa qariyey xaasaasiyada arrintan darteed, ayaa yidhi “Wax lagu soo moor-gareeyey Bacahan Hudheedhkay iyo Maryo ayay ahaayeen, halkaas (Tilmaan xabaallo dhexdooda), ayaa la dhigay, waxaana qaatay Booliska” ayuu xaqiijiyey Xafaarkan oo goob-jooge u ahaa markii lafaha la helay. Waxaanu intaas raaciyey “ haa waxay xidh-xidheen Boolisku qaar Sakhraamiin ah oo halkan isku dilayay, waxaanay yidhaahdeen laguma aasi karo Xabaalahan Qof dambe ilaa Saldhiga Booliska laga soo qaato Warqad caddeyn ah”.

Laakiinse Xafaarka, ayaa Wariyeyaasha Dul-geeyey mid kamida Xabaallo diyaar ah oo uu qoday si looga iibsado, taasoo uu diyaariyey ilaa Iilkii Maydka la dhigayey, isla markaana sugayey cid ka iibsata, isagoo aan wax shuruuda ku xidhin Iibkeeda.

Geesta kalena, Xoggo intaas ka badan oo ay Wariyeyaashu heleen ayaa tibaaxaya in baaxaddu lafaha  helay gaadhayaan ilaa laba qof Lafahoodii, kuwaasoo mid qayb loo xidhay.

Haddaba, Si kastaba haku timaado’e, dhacdadan naxdinta leh, ayaa daaha ka fayday dayac baahsan oo ka jira Xabaalahan Qalfoofka laga helay, taasoo  Baraarujin u noqotay Hay’addaha ammaanka, Dawladda hoose ee Caasimada iyo dadka Muxsiniinta ah ee inta badan ku foogan Ilaalinta goobaha Maytida lagu hooyo (Qubuuraha), kuwaasoo aan hore xogogaal ugu ahayn ama indhaha ka qarsanayey Baylahda Dhul-xabaaleedka Naasa-hablood, oo sida la xaqiiqsanyahay ka sekow dayaca  ku habsaday, halis ku ah Nabad-gelyada Magaalada Hargeysa. “Xabaasha waxa la siiya 350,000Shls, waxaana qoda saddex iyo afar Nin. Kuwan xabaalaha qodaa iyagaaba is-dila oo bahalo noqday” sidaas waxa u sheegay mid kamida Dadka Deegaanka Qubuuruhu ku yaallaan oo ka warbixiyey xaalad waaqici ah.

Ninkaas oo magaciisa ku soo koobay Khadar, ayaa intaas raaciyey “way dhici kartaa inay Xabaallo hore intay dib u qodaan, dadka ka iibiyaan, waayo waxay noqdeen bahallo” ayuu sii raaciyey, laakiinse wax caddeymo ah looma hayo falalka noocaas ah.

Dhanka kalena, wariyeyaasha u kuur-galay Xaalada Qubuuraha, ayaa indhahooda ku arkay Xabaallo tiro badan oo dumay, kuwo aad moodo in dib loo qoday oo Godad ka samaysmeen iyo qaar qarka u saaran in Daadku dibada u soo saaro Lafaha ku jira. Dadka Deegaanka iyo Xafaariinta ee u waramay  Suxufiyiinta ayaa sheegay inaanay jirin cid qorsheysa Xabaalaha cusub ee la qodayo, si loo qaabeeyo Dhulka loogu talo-galay. “ ma jirto cid nidaamiso sida xabaalaha Adam – siiro ama Xabaalaha xeedho, waa qofba sida uu u yaqaanee oo iyagu ah kuwo leh Nidaam Caalami ah isla markana loo sameeyo Lambaro iyo cabir ama Qiyaasta Xabaalaha Dadka islaamka ah.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed