|

DAKAYGU HADDU TASHADAY MAXAA LOO DABA SOCDA

SCWW,
Waxaan is weydiiya bulshada reer somaliland maka dheregsan tahay waxan qolooyinka beesha caalamka isku magacaaba ay ka raban waxan is weydiiya 24 sano beesha caalamku maxay idiin qabatay 
waxaan is weydiiya oo kale waqtigan aynu joogno 2 dal oo afrikan ah aya doorashooyin laga qalanqaalinaya midna beesha caalamku ma isku taxalujiyeen inay la socdan ama wax ka yidhaahdan amase faragelin ku sameeyan hanaankeeda dimuqraadi 2da dal waa Ethiopia iyo Burundi  haddi aan sample u soo qaato Ethiopia oo boqolaal sano  madax banaani haysatay bal se aynu ognahay heerka xoriyatul qowlku iyo dimuqraadiyadu halku joogo macaawinooyinka afrika la siiyona qaybta ugu badan la siiyo wax faragelin ah beesha caalamku kuma sameeyan.
hadaba iyagoon ii aqoonsan inaan dal madax banaan ahay waxan ay fara gelinta iigu hayaan waa maxay oo xeerkii ciqaabta qofka wax dila hala dilo ahayd ay iigu diidayaan ayaa ka tashigayga iyo hab maamuskayga dowladnimo haddanay waxbaba igu tarayn maxay iigu faragelinayan.
markaynu taariikhda dib ugu noqono dowladaha reer galbeedka qaarkood waxay aaminsan yihiin inay iyagu awooda dunidan leeyihiin ciddi ka hortimaadana ay la colooban dalka CUBA iyo marykanku 70 sano ku dhowaad xidhiidh may lahayn cuna qabatayn baa saarnayd markii loo taag waayey hadda xidhidh cusub oo is xaq dhowr ah loo bilaabay sidoo kale dalka Valenzuela waa la mid balse iyada weli xidhiidh lalama samayn.
habayn dhoweyd waxaynu tvga ka arkaynay Kismaayo oo baabur dagaal oo badan laga soo rogayo oo la leeyahay JubbaLand baa loogu deeqay maamul goboleed cusub weeye caqligeena fayowi wuxuu isweydiinaya ujeedada ka dambeysa in beesha caalamku gobol yar oo Somalia ka midana aqoonsanayo oo gaadiid dagaal u siinayo iyadoo golaha amaanku uu cunaqabatayn saaray hubka ah wixii somalia laysku odhan jiray adigoo 24 jirsadayna dhabarka laguu soo jeedinayo waxaa caddan noqotay inanay qoladan xuurta ku haysata dunida maanta ee magacii beesha caalamka keligood isa siiyey aanay la dhacsanayn horumarka iyo tusaalaha fiican ee aad afrika u noqon kartid.
haddan in yar oo tusaale ah soo qaato dunida carabta waxan ka dhacaya yaa abaabulkeeda leh maxayse ku bilaabmen halkay se maanta marayaan.
haddaba nimanka leh beesha caalamka caynka tidhi micnahoodu waa 2 mid.
1- in aanay siyaasada dunida maanta waxba kala socon oo nasiib uun keenay kuraasta ay fadhiyaan.
2-iyo inay yihiin kuwo adeegayaal ah oo dana kale fulinaya oo loo soo diray si ay Somaliland uminjaxaabiyaan si ay ula miciin noqoto Somalida inteeda kale oo la leeyahay way ka dheeraysee isu soo qabta oo qorshayaasha dahsoon la doonayo in laga fuliyo.
aad baan ula dhacay Gudoomiyaha Faisal Cali Xussein halka uu iska taagey ajandhaha kuwa sheeganaya beesha caalamka.
 
 
IsMa DhAfNo
Garyaqaan Shaxaar

Comments are closed