Iska hor imaad ciidamada dawlada ku dhexmaray xaafada Hodan
Muqdisho May 28,2015(SDN/QJ)-Iska hor imaad muddo kooban degmada hodan ku dhexmaray Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliiska iyo dad shacabka ah oo la sheegay in ay hubeysnaayeen ayaa wararka iminka kasoo baxaya degmadaasi ay sheegayaan in qaar kamid ah dadkii hubeysnaa gacanta lagu dhigay.
Iska hor imaadkaani ayaa dhacay waxyar kahor markii ciidmada dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay bur-burin ku sameeyaan suuq iyo guryo ku yaala Xaafadda Soona Key ee Degmada Hodan iyadoona ay iska caabin ay ku sameeyeen ciidamadii dowladda qaar kamid ah dadkii la doonaye in laga bur-buriyo goobahaasi.
Ciidamo dheeraad ah oo katirsan Booliiska iyo Nabad sugidda ayaa goobta gaaray kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen Ciidamada booliiska iyo dadka shacabka ahaa ee hubeysaa.
Qasaare guud oo la sheegay majiro balse waxa ay dad ku sugan goobtii lagu dagaalamay ay noo sheegeen in ay arkeen laba ruux oo halkaasi ku dhaawacmay.
Ciidamada booliiska dowladda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dhacdadaani inkastoo dhinicii la dagaalamay aysan laheyn af-hayeen ugu hadla arimahaani.
Dhacdadaani ayaa laga war sugayaa in ay dowladda Soomaaliya ka warbixiso maadaama hubno ay la xiriirnay oo katirsan dowladdu ay noo sheegeen in ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan kolkii uu usoo gaba-gaboobo baaritaano ay wadaan.
SDN/QJ-Muqdisho