Madaxweynaha Soomaaliya oo Nigeria u boqoolay
Muqdisho May 28,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaye ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda Wadanka Nigeria.
Wafdi madaxweynaha ayaa kamid ah madax lagu Cazuumay ka qeyb galka Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi Mahamadu Buhari oo dhawaan ku guuleystay doorashii dalkaasi ka dhacday.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya oo aanan loo faah-faahin warbaahinta ayaa si kooban waxaa noo xaqiijiyey arintaasi Af-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys xili aynu la hadalnay.
Wafdi madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Caleemo saarka kadib ay socdaalo ku kala bixiyaan wadamada Kenya iyo Sudan si uu madaxda dalalkaasi kala hadlo arimaha ku qotoma Xiriirka kala dhexeeyo.
Si kastaba madaxweynaha Cusub ee Dalka Nigeria Mahamadu Buhari ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi isagoona lagu wado in gudaha dalkaasi lagu Caleemo saaro si uu ula wareego howlaha shaqo ee Nigeria.
SDN/QJ-Muqdisho