Akhri Magacyada Shanta Haween Ee Dunida Ugu Awoodda Badan Iyo Dalalka Ay Kasoo Jeedaan
London:May,28,2015(SDN/QJ)-Wargeyska Cilmi-baadhista iyo dabagalka ku caanka ah ee Forbes Magazine, ayaa soo daabacay Warbixin xiiso badan oo uu ku lafo guray Haweenka Adduunka iyo sida ay u kala awood badan yihiin.
Wargeyska oo sameeyay daraaseyn dhan waliba ah, ayaa waxa uu Haweeneyda Koowaad u aqoonsaday Haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel oo ah Ra’isul-wasaaraha dalka Jarmalka.
Angela Merkel ayaa sanadkii 5-aad kaalinta Koowaad u gashay Jaraa’idka Forbes Magazine, waxaana kaalimaha kale kala galay Hillary Clinton, kaalinta Sadaxaad waxaa galay Melinda GatesJanet, halka kaalinta Afraad iyo shanaad ay kala galeen Yellen iyo Mary Barra.
Haweeneyda lagu magacaabo Melinda Gates ayaa xiligani ku magacaaban La taliyaha-guddoomiyaha Bill and Melinda Gates Foundation.
Sidoo kale, Haweeneyda Janet Yellen ayaa iyaduna ku magacaaban xilka Hantidhowraha Federalka Maraykanka, halka Mary Barra ay ka tahay Agaasime fuliye Shirkadda gaadiidka farsameyso ee General Motors ee waddanka Maraykanka.
Qiimeynta Jaraa’idka Forbes Magazine, ayaa muujinaaya inuu yahay mid dhan waliba Siyaasada, dhaqaalaha iyo awoodaha rabaaniga ah laga eegay.
Shantan Haween ayaan looga horeyn kaalmahaasi waxaana suuragal ah in isbedel uu yimaado sanadka cusub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com