“Murankii wuu inoo dhammaadaye sidaas ku seexda, Haddana waxa la gelayaa ilaa 11-arrimood oo tani fure u tahay oo ay tahay in la dhammeeyo inta aanay doorashadu dhicin,”Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Hargeysa:May,28,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iy Daryeelka Ucid En.g Faysal Cali-waraabe oo xalay ka Hadlay Munaasibaddii lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa, ayaa sheegay Somaliland qaadday dariiq horumar leh oo muujinaya qaan-gaadhnimada siyaasadeed iyo bisaylka Dalku ku tallaabsaday.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in Go’aankaasi yahay mid qaran, isla-markaana uga Baahan yahay Beesha caalamka inay garabgasho sidii uu mid midho dhalo u noqon lahaa,
“Waxan shacbiga ugu bushaaraynayaa inaanu sidii caadada noo ahayd arrintii aanu afarta maalmood u fadhinayd inaanu caawa isku afgaranay in doorashadii la qabto 2016-ka Bisha December, waxana aanu bulshada caalamka inay nagu ixtiraamaan Go’aankaas aanu wada gaadhnay oo go’aan qaran, uguna hawlgalaan sidii arrintaasi noogu hirgeli lahayd.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa shacabka ugu bushaareeyey in khilaafkii lasoo afjaray, isla-markaana la gudo gelayo arrimo kale oo wali qabyo ah sidii loo qabyo tiri lahaa, waxana uu yidhi,
“murankii wuu inoo dhammaadaye sidaas ku seexda Haddana waxa la gelayaa ilaa 11-arrimood oo tani fure u tahay oo ay in la dhammeeyo inta aanay doorashadu dhicin, arrimahaasna waxanu doonaynaa inaanu wada-tashi qaran ka yeelanno oo xab-xabad isku dul taagno oo aanu mid kastaba ka soo saarno wixii aanu ku xallin lahayn, waxana inoo bilaabmaya waa cusub oo siyaasadeed.”
Khilaafka siyaasadeed ee xalay lasoo afjaray, ayaa ah mid dalka oo dhan laga soo dhaweeyey, waxana natiijadiisa la sugayey muddo dheer oo toddobaadyo ahaa, waxana loo arkaa tallaabo muhiim ah oo xagga hore loo qaaday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com