Muqdisho Oo Muujisay Shirqoolada Hay’addaha Qaramada Midoobay Ee Laga Ansixiyay Wasiirka Qorshaynta Somaliland
Hargaysa 28.May 2015 (SDB/QJ)- Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA (United Nations Population Fund), ayaa tiro-koob aan wax baddan lagala socon, balse Wasaaradda Qorshaynta Somaliland oggolaatay oo lagu sameeyay dadweynaha reer Somaliland sannadihii 2013 ilaa 2014, soo badnhigtay, kaasoo qayb ka ahaa tiro-koob guud oo hay’addu sheegtay inay ka samaysay dhammaanba 18 gobol oo ay ka koobnayd Jamhuuriyaddii burburtay ee Soomaaliya muddadii ka horraysay sannadkii 1991-kii markii Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya ee ka baxday midawgii ay la gashay 26 Jun 1960-kii, Afar maalmood ka dib markii ay Boqortooyadii Britain ka qaadatay xoriyadeeda.
Munaasibad lagu soo bandhigay natiijada xogtaa, ayaa loo gudbiyey dawlada taagta daran ee Soomaaliya, taas oo lagu soo bandhigay magaalada Muqidisho doraad .
Sida lagu faafiyey shax la soo bandhigay oo Hay’adda UNFPA qayb ka mid ah ka soo xigtay Hay’adda kale ee UNHCR, isla markaana wargeyska Jamhuuriya arkay nuqul ka mid ah waxa lagu sheegay in Gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland ay ku nool yihiin dadweyne gaadhaya 673,263 (lix boqol, toddobaatan iyo saddex kun, laba boqol, lixdan iyo saddex), kuwaasoo isugu jira 287,821 qof oo ku nool magaalooyinka, 143,743 ruux oo ku dhaqan tuulooyinka, 233,709 qof oo reer badiye xoolo-dhaqato ah iyo 7,990 qof oo dad baro-ka-cayaal ah.
Hay’adda UNFPA, ayaa tiro-koobka ay samaysay ku sheegtay in dadweyne dhan 1,242,003 (hal milyan, laba boqol, afartan iyo laba kun iyo saddex) ruux ay ku nool yihiin Gobolka xiligii Soomaaliya la odhan jiray Waqooyi-galbeed, markii Somaliland la soo noqotay xornimadeedana noqday laba gobol oo kala ah Maroodi-jeex iyo Saaxil, iyadoo dadweynaha la sheegay inay ku nool yihiin Waqooyi-galbeed isugu jiraan 802,740 qof oo ku dhaqan magaalooyinka, 138,912 oo ruuxna ku nool yihiin tuulooyinka, 255,761 oo ruuxna yihiin dad reer guuraa ah iyo 44,590 qof oo baro-kacayaal ah.
Xogta tiro-koobka loo gudbiyey dawladda Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu iftiimiyey inay Gobolka Togdheer ku nool yihiin dad gaadhaya 483,724 (afar boqol, sideetan iyo saddex kun, toddoba boqol, afar iyo labaatan) ruux oo ku dhaqan magaalooyinka, 57,356 qof oo tuulooyinka ku nool, 154,523 qof oo reer guuraa ah iyo 25,760 qof oo baro-kacayaal ah, iyadoo guud ahaan dadweynaha reer Togdheer lagu sheegay inay dhan yihiin 721,363 (toddoba boqol, kow iyo labaatan kun, saddex boqol, lixdan iyo saddex qof).
Sidoo kale, dadweyne tiradoodu dhan tahay 327,428 qof, ayaa la sheegay inay ku nool yihiin Gobolka Sool, kuwaasoo u kala baxa 120,993 qof oo magaalooyinka degen, iyadoo ay tuulooyinkana ku nool yihiin 13,983 qof, halka dad reer guuraa ah oo dhan 187,632 ay joogaan Gobolka Sool, waxaana dadka baro-kacayaasha ah ee ku nool Sool ay dhan yihiin 4,820 ruux.
Waxa kaloo tiro-koobka Soomaaliya loo gacangeliyey sheegay in dadweyne dhan 544,123 (shan kun, afartan iyo afar kun, boqol, saddex iyo labaatan qof) ay ku nool yihiin Gobolka Sanaag, waxaanna 159,717 oo dadweynahaas ka mid ah ku noolyihiin magaalooyinka Sanaag, halka 30,804 qof yihiin dad ku dhaqan tuulooyinka, waxaanna reer guuraa ah 352,692 oo ruux, iyadoo baro-kacayaal dhan 910 qof ku nool yihiin Gobolka Sanaag.
Xafladda loogu qabtay Muqdisho tiro-koobka hay’adaha Qarammada Midoobay sameeyeen, ayaa lagu sheegay in guud ahaan 18-ka gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ku nool yihiin dadweyne tiradoodu dhan tahay 12,316,895 (laba iyo toban milyan, saddex boqol, lix iyo toban, sided boqol, sagaashan iyo shan qof).
Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Muqdisho, ayaa ku faanay tiro-koobka la sameeyey ee xogtooda loo gudbiyey, kaasoo ay ku sifeeyey inuu yahay mid wax weyn ka tari doonaa adeegyada horumarinta Soomaaliya, iyadoo tiro-koobkan yahay mid aan la tirin qofkasta, balse loo sameeyey hab qiyaas guud ah.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mr. Cabdiraxmaan Yusuuf Cali Ceyte oo ka hadlay xaflada loo qabtay tiro-koobkaa oo uu si weyn u difaacayay markii laga samaynayay dalka, isla markaana oggolaaday in khiyaamadaa intaa leeg ee meel kadhaca ku ah qaranimada Somaliland uu oggolaado, ayaa hore ugu doodayay in aannu ku salaysnayn wax siyaasad ah, balse lagu saleeyey hab cilmi ah.
Hase yeeshee Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa jawaabtii uu ku difaacayay qorshaha Hay’adda UNFPA, maanta wuxuu qiray inay khiyaamo ku sameeyeen, isagoo qoraal kooban oo uu soo saaray ku yidhi sidan:- “ Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013.
Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahannahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno.
Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegamadiisa laga soo bilaabo Saylac – Dhahar ilaa Buuhoodle.
Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qaybgashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada kasoo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan.
Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay.
Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qaybgashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliand. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda.” Ayuu ku yidhi Qoraalkiisa. Wasiirka Qorshaynta Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka Qorshaynta Somalia oo ka hadlay munaasibada lagu soo bandhigay natiijada warbixintaa, ayaa yidhi, “Tiro-koobkan ma ahan xog ku salaysan siyaasad ee waa mid cilmi iyo aqoon ku saleysan, si cilmiyeysan ayaana loo soo bandhigay, marka waa in la isku qaldin wixii cilmi ah; isla markaana aan la siyaasadeyn tira-koobka, macanaheeduna ma ahan inay tahay mid xaqiiqo ku saleysan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cayte, isagoo xusay in tiro-koobkan yahay mid ay ka wada qaybqaateen maamulada uu sheegay inay ka jiraan Soomaaliya iyo hay’addaha samo-falka ah.
Sidoo kale waxa xafladaas hadal ka jeediyey Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Maxamed Cumar Carte oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin tiro-koobka loo sameeyey oo fududaysay in la helo xogta dadka Soomaaliya.
“Waxaa la galayaa marxalada cusub ee sannadka 2016-ka, waxaanna loo baahan yahay marka doorasho la galayo in wax laga duulo, waana tirada dadka Soomaaliyeed ee aanu maanta helnay,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cumar Carte.
Si kastaba ha ahaatee, waxay hay’addaha Qarammada Midoobay ee UNFPA iyo kuwa kale ee kala qayb qaatay tirakoobka iyo ururinta xogta dadweynaha reer Somaliland muujiyeen sida ay siyaasadooda ku waajahan Somalia ee ay ka wadaan Somaliland uga meel marsadeen masuuliyiinta Xukuumadda ee indhahoodu qabtaan kharashaadka lagu maamulo mashaariicda la doonayo in laga fushado Somaliland ee meel ka dhaca iyo gefka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland, waxayna arrintan khashiftay inay Hay’addaha Qaramada Midoobay si toos ah u fuliyeen siyaasadooda ku waajahan raadinta riyada midnimada aan xaqaaqiqa iyo waaqaca ku dhisnayn ee ay ka wadaan Somaliland iyo sidii ay Somaliland u hoos geyn lahaayeen xukuumadda Magac u yaalka ah ee Qaramada Midoobay maamusho ee Muqdisho.
Hargaysa SDN/QJ