|

“Casharada aan La Baran” W/Qoray Maxamed Cali Bile

Muranka siyasadeed ee soo dhex galay arimaha doorashooyinku waa mid weligiiba soo jirey hakala weji duwanaadee. Balse waxa ad moodaa inaan casharba laga baraneyn waxa ina soo mara. 1993 markii shirka lagu qabtey magaalada Boorama, waxyaabihii lagu eedeeyey madaxweynihii xiligaa

bilejoogey Abdirahman Ahmed Ali (AHUN) ee xilka lagaga qaadey waxa u muhiimsanaa laba qodob oo kala ahaa inu qaban waayey doorashdii laga sugayey inu ku qabto laba sanadood gudahood iyo inu dalka ictiraaf u keeno laba sanadood gudahood. Waa labada shuruudood ee loo dhigey markii lagu dhawaaqey gooni isu taagga Soomaaliland 1991 kii. Odayashii guurtida u badnaa ee Boorama ku shirayey waxa ay badankoodu ku andacoonayeen inu madaxweynuhu xilkii sidii laga rabey u gudan waayey maadaama aanu fulin labadaa arimood. Manta oo 25 sanadood laga joogo

ayaan labadii arimood ay weli taaganyihiin.

.

Madaxweyne Cigaal (AHUN) oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka soo mara oo markaa lagu tuhmayey inu isagu ka dhabeyn doono inu labadaa

qodob fuliyo, waxa uu dhintay isaga oo aan labada qodob midna fulin. Madaxweyne Dahir Riyale mudadii uu xilka hayey waxa uu fuliyey mid ka mida labadaa qodob oo ah inu wadanka ka qabtey doorashooyin uu isaga laftiisu kursigiisii ku waaya. Dawladda mudadeedii dhamaadka tahay ee maanta talisaana waxa uu wakhtigii ka dhacayaa iyada oo aan labadaa arimood midna fulin.

Waxa ad isweydiineysaa maxay arintii qaldantey 23 sanadood ka hor ay weli iyada oo sideedii ah ay u qaldameysaa ee loo sixi laayahay?. Sababtu uugu weyni waa inaga oo shaqadii ka doorbidney hadal, sharcigii la raaci lahaana ka doorbidney muran iyo inaga oo aan isla xisaabtamin.

Haddii ad wastaad u dirato inu gidaar kuu dhiso si fiican ayaa loo yaqaan waxa laga rabo ee uu yawmiyaha ku qadanayo. Inta badan waa inu dhigaa 250 xabadood oo laban ah, markaasaa yawmiyihiisii uu qaadanayaa. Haddii uu wastaadku saaro 150 xabadood oo laban ah, maalintaa yawmihiyiisu waa wax nus ku dhow. Qiyaasta noocaas ah iyo in la isla xisaabtamaa dhaqankeena siyasadda kuma jirto. Guurtidii Abdirahman Tuur (AHUN) ku eedeeyey doorsho ayuu qaban waayey sidaa darteed waa in la bedelaa, ayaa maanta ku doodaya dawladda doorashadii qaban weydey haloo kordhiyo.

Waxa iyana meesha ka maqan inaan cashar laga baran wixii ina soo marey oo an xeer cad laga sameysan. Ka waran haddii la odhan lahaa dawlad wakhtigeedu dhamaado iyada oo aan doorasho qaban, xilka waxa ay ku wareejineysaa dawlad ku meel gaadh ah oo ay soo dhisayaan axsaabta mucaardka ihi. Waxa hubaal ah iney dawladdu ahmiyad siin laheyd arinka oo ay doorashada xiligeedii ku qaban laheyd wax kasta oo dhaca.

Waxa iyana meesha ku jirta inaga oo jecel inaan wax niyeysano oo ay arimuhu sidii loogu tala galay uun noqdaan inaga oo aan u shaqeysan. Dawladda garaney oo laga yaabee iney korodhsiimada rabtey, balse mucaaridku wey ogaayeen oo waa la sii arkayey inaan doorasho qabsoomey oo aan loo diyaar garoobin, cid kastana wey u cadeyd, hadana iminka ayay ku doodayaan waa in doorashada xiligeedii la qabtaa. Waxa ay doorshadu u baaqatey waxa u sal ah inaga oo aan si aqoon ku saleysan wax u qorsheyn. Haddii axsaabta iyo inta ay khuseysaa sameysan lahaayeen jadwal cad oo arimaha diyaargarowga qeexaya oo marka ay suuro galtahay in marka ay waxyar dib u dhacaanba la isla fadhiisto oo la saxo, sidan wey ka duwanaan laheyd. Balse haddii taariikhdii wey gaadhay uun lagu tooso, waa ayaan darro.

.

Casharka kale ee aan ilaa hadda la baran waa ka asluubta iyo dhaqanka iyo hadalka siyaasadda iyo hogaaminta. Marka an dhageysto

hogaamiye hadlaya ama shir jaraa’id qabanaya ee an u fiirsado hadlkiisa iyo aragiisa iyo diyaargarowgiisa ayaan isweydiiyaa tolow inna aqoon iyo garasho melna ma kaga soo duxdey.

Siyaasiyiintii iyo hogaamiyayaashii hadalkoodii iyo hab dhaqankoodii iyo muuqaalkoodiiba marar badan waxba kama duwana kii dadka suuqa joogga. Qof aan qodobo si fiican u diyaarsan, aan laheyd dhegtii iyo muuqaalkii hoggaamiyeed, qaarkood uu ka muuqdo mirqaankii shaley, gacmaha u taagtaagaya sidii dadkii suuqa, qaarkood hadalkoodu ka aradanyahay xaragadii iyo kelmadihii diblomaasiyadeed ayaa kuu muuqanaya. Abdirashiid Hassan Mataan ayaan oo an habeen dhaweyd arkayey isaga oo weriyayaal la hadlay ayaan is idhi malaha isagaa qof miisaan hadalkiisa iyo muuqiisu leeyahay u eeg.

Hogaamiyanimadu maaha wax ad xaq uleedahay adoo ku doodaya in lagu doortey. Inad hoggaamiye noqoto waa la kasbadaa, waa loo muuqdaa, waa loo hadal eekadaa, waa loo qurux eekadaa, taasi oo marka la isku soo ururiyo ah inad kasbato kalsoonida dadka ad hoggaamiso. Haddii ad sidii dibjir suudh xidhan u hadasho kalsoonida mujtamacu kugu qabaa wey kaa lumeysaa.

Haddii ad daawato telefishanada iyo warbaahinta kale ee dalalka hore u marey, waxa ad arkeysaa iyaga oo faaleynay, ka hadlaya, rogrogaya arimaha markaa socda. Waxa ay isu keenaan dad aragtiyo kala duwan ka bixin kara arinkaas. Siyaasiyiinta ka sakow waxa ay isu keenaan dadka arinkaasi saameynta ku yeelan karo sida shicibka, dhalinyarada, shaqaalaha, qaxootiga, haweenka, IWM. Waxa taa looga jeedaa sidii ay uuga soo bixi lahayd aragti iyo afkaar wanaagsan oo lagu camal falo. Waxa iyana wax laga weydiiyaa aqoonyahanka iyo dadka jaamacadaha wax ka dhiga iyo kuwa wax ka barta si arinka looga eego dhinaca aqoonta. Inaga taasi habaar ayaa inagaga dhacay oo waxa warbaahinta soo fadhiista dad muran iyo aflagaado hadalkoodu u badanyahay.

Waxa jira jaamacado dalka ka jira oo lagu dhigto sharciga, qaar maamulka lagu barto, qaar weriyenimada (journalism) lagu barto, qaar dhaqaalaha lagu barto. Waxay aheyd in borofisarada jaamacadahaa wax ka dhiga iyo ardeyda sanadka u danbeeya ku jirtaba wax laga weydiiyo si ay iyagana uugu noqoto cashar iyo waaya aragnimo, hoggaamiyayaashuna uuga faa’iideystaan. Si ayaad u moodaa in aqoontii laga doorbidey dilaalnimaddii. Toban nin oo cumaamado tunka ku sita oo shanna raacsantahay go’aan kasta oo soo baxa, shanna diidantahay ayuunbaa talo inoo noqdey. Isla shantaa go’aanka taageersan ayaa haddiiba go’aan laga noqdo oo la yidhaa uu qaldanaa, isla iyagii ayaa hadana tahniyadeynaya oo odhanay waanu taageersanahay go’aankaa laga noqdey. Waa waalida nooc ka mida.

Comments are closed