Dooni Gurmadka Caafimaad ee Deg Deg ah Fulin doonta oo lagu Tijaabiyay Magaalo Xeebeedka Berbera DAAWO
Berbera 28.May 2015 (SDN/QJ)-Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Caafimaadka,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,iyo Arrimaha Gudaha oo ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera ayaa ka qayb galay Kulan lagu Tijaabinayay Doon Ambala’s ah oo samayn doonta adeega gargaarka deg dega ah.
Doonidan ayaa ku talo galku yahay inay Qayb weyn ka Ciyaarto Gurmad u fidinta dadka ku teedsan deegaanada Xeebaha ee aan heli Jirin Wax gurmad Caafimaad ah.