Khudbadii Gudoomiye C.raxmaan Cirro ee Khatimaada Khilaafkii Siyaasadeed ee Dalka Ruxay DAAWO
Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)- Maalmo Shirar adag oo Xasaasiye ah lagu Jiray Mararka qaarna Fadhiyada lagu Kala kacayay,la isku maandhaafsanaa Midaynta Aragtida lagaga bixi karo Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay Mudo Kordhintii Sannadka iyo Tobanka bilood ahayd ee Golaha Guurtidu u kordhiyeen Mudada Xil haynta Madaxweynaha iyo Aqalka Wakiilada ayaa aakhirkii keentay in lagu wada Xafladeedyo Caawa Qasriga Madaxtooyada.
Waxaa Madashaas lagu kala saxeexday Xalka Siyaasiga ah ee furdaaminta u noqday xaaladii cakirnayd Waxay aakhirkii isugu biyo shubteen in Doorashooyinka Muranka dhaliyay ee is barkan la qabto Bisha December ee Sannadka 2016ka.
Waxaa laga takhalusay Mudo kordhintii Golaha Guurtida ,Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Weedho Kooban ku Cabiray aragtidiisa.