Hadalka Wasiirka Qorshaynta Qaranku Jawaab ma u Noqon karaa Sheegashada Somalia ee Bulshada Somaliland? DAAWO
Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa ganafka ku dhuftay Tiro koob ay dawlada Somalia ku sheegtay sahan qiyaaseed lagu sameeyay dadka ku nool dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ka hor 1991 kaas oo uu ku sheegay mid u gaar ah Somalia.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka ayaan Sheegin Talaabada ay Xukuumada ahaan ka qaadayaan Hay’ada Taranka Bulshada ee Qaramada Midoobay ee UNFPA oo Xogtii Tiro koobta Shacabka Somaliland la wadaagtay Dawlada Somalia.