|

giirgiir (gabay) w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase

gabay…giirgiir……..gabaygan gaaban ee la baxay giirgiir  waxaan ku tiriyey magaalada kismaayo sanadkii 1987dii badhtamihiisii xiligaas oo aan ka mid ahaa ardaydiigurmadka difaaca qaranka uu afwayne u bixiyey iyadoo layga soo bedelay dusigii tababarka ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ee mandheera oo ka tirsanayd gobolkiimarkaa loo yiqiinay waqooyi galbeed hadana la yidhaahdo maroodi jeex ee caasimadaj jamhuuriyada somaliland hargaysa waxaanan xiligaa aan ka hawl galay saldhigii 43aad, guutadiisii 17aad,ururka 265aad,oo fadhigiisu ahaa xerada guulwada,habeenka aan tirinayey gabaygan waxaan ka mariyey gole aad xusuus iigu leh,oo ay u dhamaayeen cid kasta oo guutadaa ka mid ahayd,dhacdadaas oo aanan halkan ku soo koobi karin,hadaanse u dhaafo gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan

1.Anigoo galbeed iyo ku nool gacalkay hoostiisa
2.Gegidii mandheeraad anoo samo ku gawdiida
3.Anigoo gasiin ladan iyo haysta gogol fiican
4.Ayuu gaadhi baas goor makhriba gaydhka soo galaye
5.Waxaan galangalcoodoon hurdada ga’ma’a diidaaba
6.Kolkii waagu uu galalac yidhi geedi loo badaye
7.Gaashaanle sare sow cabaas naguma guubaabin
8.Waar hay gabina magaceena guud yaanu godaroobin
9.Garta qaata oo waar ragyahow ceebta ka gayooba
10.Guluf ay ahaataba ragyahow libinta soo gooya
11.Aniguna u guuxoo is idhi garasho weeyaane
12.Guuraha habeenkii burcaan gees ka soo maraye
13.Caynaba garoowe iyo sool didibki gaalkacyo
14.Intaasoo geyuu darewalkii gayrka soo sudhaye
15.Galgaduud sidii jahanabay ila gudboonayde
16.Xumo kuma giriifine galdagob balanbaloo giigsan
17.Yaan geelow is idhi waad ka hawl geli
18.Waxaan soo gucleeyaba ma imi arad gabaahiira
19.Ma gawaan cidla ah baa cabdow gogoshu ii taal
20.Giir giir kismaayiyo miyaan gocorka daawaystay
21.Ma baajuun guniyo waxan la degay gahadi dhoobayda
22.Mudka geela iyo baan iqiin gaado neef shilis
23.Gaawe dheeman laga soo lisiyo gaaxdi dhebi tooman
24.Iyo raashin geedaysanoo gaari ka shaqaysay
25.Ayaa geyigayaga lagu ogaa tanise waa gowe
26.Galey iyo miyaan shuuro baas abid gasiin mooday
27.Maanigoo garaadkaasa baan muufo gini siistay
28.Hablo quruxda guulaa hayee garasho loo siiyey
29.Gaari iyo dhabeel iyo midaad goray haldhaa moodo
30.Oon bilicda gayl gayl sanayn waad ku ga’madaaye
31.Udugana ku gaashaysan oo caraftu ay gaadho
32.Kuna gaadhan diric iyo garays guud wax laga qaato
33.Yuu ahaa gayaankaan iqiin tanise waa go’we
34.Dar guntiino soo wada xidhoo shurufku googooyey
35.Oo araga guudkooda sare aad ka giigayso
36.Googaa miyaan idhi intaan dunida guud joogay
37.Waa gobol aan gacal iyo xigtadu isu garaabayne
38.Garashada kistaa iyo kaskaa iyo go’aankaaga
39.Iyo waxa gudboon tooshka aad gaar u sidataaye
40.Bada galangalcaynaysa ee geesta kaga beegan
41.Maraakiib gamgaamani marsadan sooma gelayaan
42.Geestaad ka eegtaba gubtadu galangal weeyaan

waxaa curiyey  maxamed yaasiin maxamed ilkacase

Comments are closed