|

Qorshe Xadhigga Sheekh Xasan D. Aweys Ku Saabsan Oo Qatar Usoo Bandhigtay Dawladda Somalia

Muqdisho:May,26,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gudaha Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Waftigii waddanka Qatar kasocday ee dhawaan Halkaas tegay ay Dawladda Federal-ka ah kala hadleen Arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo sanado ah xabsi guri ku jira.

awaysWasiirka arrimaha Dibada ee Dalka Qadar ayaa Dowlada Federaalka ka codsadey in Sheekh Daahir Aweys uu gaadho Magaalada Dooxa oo Caasimad u ah Dalka Qadar oo lagu tiriyo Dhex dhexaadiyaha Xarakooyinka Islaamka iyo Dowladaha waxana dalkaas uu dheer jeer uu marti geliyey Kulamo noocaas ah.

Dowlada Qadar ayaa wada Qorshe ah in Shekh Xasan Daahir uu ku noolaado Wadanka Qadar , warar kale ayaa sheegayaa in Dowlada Qadar ay dooneyso in la soo nooleeyo Xisbigii uu Madaxda ka ahaa Shiikh Xasan Daahir ee Xisbul Islaam taasoo Dowlada Qadar ay dooneyso in uu noqdo Xisbi Siyaasadeed oo aan Hubeysneyn si uu uga qayb qaato Doorashooyinka soo socda ee 2016-ka

Ilaa iyo hadda lama oga in Dowlada Federaalka ay ogolaatey in Sheekh Xasan Daahir loo qaado Wadanka Qadar, sidoo kale lama garanayo Sheekh Xasan uu ogolaadey Qorsha ay Dowlada Qadar ay wadato oo ah in Dib loo soo nooleeyo Xisbul Islaam oo kala burburey markii ay Xarakada Alshabaab ku biireen

Dowlada Qadar waxay ka mid ahayd Dowladihii ugu horeeyey ee soo jeediyey in Sheekh Xasan Daahir Aweys marka uu soo galo Gacanta Dowladda Federaalka ay iyadu la Wareegto Xiligaa uu ku sugnaa Magaalada Cadaado ayna socdeen Wada hadaladii lagu soo xero gelin lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo markii dambe Dowladd ka faramaroojisey Odoyaashii Waan Waanta waday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed