|

Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Heshiis Ka Gaadhay In Wax Lagu Iibsan Karo Shilinka Somaliland DAAWO

Hargaysa 25.May 2015 (SDN/QJ)- Shir Jaraa’id oo ay maanta si wada Jir Ah Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Ay Ugu Qabteen Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Ganacsiga , Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Waaweyn Ee Somaliland Ay ku shaaciyeen In Maanta Laga Bilaabo Ay heshiis iyo Go’ aan Ku Gaadheen In Dalka Lagu Dhex Isticmaalo Isla Markaana Wax Lagu Kala Iibsado Shilinka Somaliland Taas Badelkeedana Ay Joojiyeen Isticmaalka Lacagta Adag ee Dolar, oo iyadu ah mida hoos u dhigaysay qiimaha Shilinka Somaliland.
Guddida Wasiirada iyo Mareeyayaasha isugu jira waxay sababta go’aankan loo qaatay ku tilmaameen Ka Dib Markii Qiimo Dhac Iyo Hoos U Dhac Weyni Uu Ku Yimi Shilinka Somaliland Sidoo Kalana ay kor u kacday maciishadii waddanku.
Dhinaca kale Waxay Masuuliyiintani shirkaa Jaraa’id Ku Sheegen In wada-hadalada arintan lagaga wada xaajoonayey Ay U Socdeen Muddo Laba Bilood Ah Kagana Hadlayeen Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Kor u kaca doolarka iyo qiimo jabka Shilinka dalka, taas ayaa keentay ayay yidhaahdeen in go’ aankan si midaysan laysula qaato.
Talabadan oo ay hormuud u ahayd Wasaaradda Maaliyada Somaliland ayaa la sadaalin kara inay soo noolayso qiimaha shilinka Somaliland.

Comments are closed