|

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo Mawqif adag iska taagay Kulanka Wada Tashi ee Muxaafidka ay la yeelanayaan DAAWO

Hargaysa 25.May 2015 (SDN/QJ)- Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Ucid Iyo Waddani ayaa Si wada jir ah Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta Xisbiga Ucid waxay meel adag iska taageen kulan lagu sii ambo qaadayo wada tashiga qaran ee lagu xalinayo xurgufta siyaasadeed iyo ismaandhaafka ka dhashay mudo kordhintii Golaha Guurtida.

LABADA GUDOOMIYEGudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Xukumadda iyo muddo kordhinta guurtida aqoonsan doonin haddii 26-ka June ka hor khilaafka muddo kordhinta laga gaadhi waayo heshiis loo dhan yahay.

Waxa uu sheegay inay qaban doonaan shir wada tashi oo lagu sameeyo dawlad umaddu wada ogoshahay. Waxa uu sheegay inaan ficilada Xukumadda iyo muddo kordhintu ahayn kuwo ka soo fulay maanka Madaxweynaha.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in dalab codsi ah oo uga yimid Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland,isla markaana ahaa dhex-dhexaadiyihii wada-xaajoodka Xukuumadda uga yimid awgeed ay maalinta berry ah oo Salaaso ah ugu riixeen wadahadalkii,isaga oo sheegay in aanay jirin doonin fursad danbe oo ay Xukuumadda io Xisbigeedda siinayaan haddii maalinta berri ah ay dhicoobaan wadahadalku.

 

 

Comments are closed