|

Imaraadka oo Mucaawino gaarsiiyay Kismaayo

Kismayo May 25,2015(SDN/QJ)-Safirka Dowladda Imaaraadka Carabta  fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada waxay kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin kale oo maamulka katirsan.

Intaas kaddib wafdigaan ka socday Imaaraadka Carabta waxaa loo gelbiyey dekedda Kismaayo waxayna soo kormeereen howlaha dekedda.

Sidoo kale waxay soo kormeereen markab ka yimid magaalada Dubai kaasi oo Kismaayo keenay deeq ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

Deeqda ayaa isugu jirta raashin ay bixisay Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta kaas oo loogu talo galay in ay dadku kaga baxaan bisha Ramadaan ee foodda nagu soo haysa iyo gaadiid meleteri oo ay Dowaddu Imaaraadku ugu deeqday Dowlad-goboleedka Jubbaland.

SDN/QJ-Kismaayo

contact@qurbejoog.com

Comments are closed