|

Xogo la Yaableh Oo Kasoo Baxay Hannaankii Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkadda Sare Iyo Muran Xooggan Oo Madaxweynaha iyo Afadiisa Kala Irdheeyey

Hargeysa:May,25,2015(SDN/QJ)-Xogo dheeri ah, ayaa kasoo  baxaya Qaabkii loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Maalintii shalay loo magacaabay, waxana jira muran iyo is afgarasho la’aan baahsan oo ka dhalatay Doorashadiisa.

geroSida ay sheegayaan xogoha ay arrinta ka heshay qurbejoog.com, waxa muddadii dheerayd ee xilkaasi bannaanaa madaxtooyada dhexdeeda kasocday muran iyo is qabqabsi gaadhay heer uu madaxweyne          Siilaanyo marar badan cadho ka qaado soo jeedimo tiro badan oo kaga imanayey Haweenka Madaxtooyada awoodda ku leh oo cadaadisyo kala duwan  ku saarayey inuu magacaabo shakhsiyaad kala duwan oo aanu madaxweynuhu ku qanacsanayn.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Siilaanyo isagu doorbidayey inuu jagada Maxkamadda sare u magacaabo laba dhinac oo uu tuhmayey inay inay xaq u leeyihiin inay helaan Xilkaas, taas oo  keentay inuu ku qanci waayo soo jeedimo haweena ay marwadiisu kamid tahay kaga dalbanayeen inuu cid  ay danaynayaan magacaabo.

Haweenayda Madaxweynaha Somaliland Marwo Amina sheekh Maxamuud Shirde, ayaa la sheegayaa inay iyadu dhex u xidhatay in doorkan ay Beesha ay kasoo jeedda u cumaamaddo xilkan bannaanaaday,  waxana iyada iyo madaxweynaha dhexdooda ka dhashay xurguf sababtay inuu madaxweynuhu diido inuu amro qorista degreetada lagu magacaabay aqoon yahan Aadan Xaaji Cali oo haatan noqday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland.

Marwo Aamina Waris, ayaa si cad madaxweynaha ugu sheegtay in Beesha ay kasoo jeeddaa xaq u leedahay inay  ku fadhiisato mid kamid ah Kuraasta waddanka ugu sarreeyaa, taas oo uu madaxweynuhu ku qanci waayey balse muran iyo is jiid jiidasho dheer kadib waxa madaxweynaha lagu qanciyey inuu Aadan magacaabo.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu muujiyey inuu rabo sidii  booskaas ay ugu fadhiisan lahayd Beesha Bariga Dalka oo iyadu hoggaanka sare ee Dalka ka maqan, waxase taas diiday Xubno awood badan oo ay Haweenaydiisu kamid tahay.

Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo, waxa uu soo jeediyey in Beeshii markii horeba Booskaas iska lahayd dib loogu celiyo haddii aan Beesha Darafka bari la siinaynin, balse arrintaas dheg jalaq looma siinin. Waxana kooxda Haweenka u badan ee madaxtooyada awoodda badan ku lihi ku guulaysteen inay xilkaas u dhiibaan Beesha ay kasoo jeeddo Haweenayda Madaxweyne Siilaanyo.

Waxyaabaha ay Marwadu ku qancisay madaxweynaha, ayaa la sheegayaa inay kamid tahay marka laga yimaaddo kartida lagu tuhunsan yahay aqoonyahankan da’da yar, in loo baahan yahay in booskaas la fadhiiyo qof Xukuumadda kala dabbaalan kara Duruufaha adag ee soo socda .

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed