|

Xiisad ka aloosan Magaalada Marka

Marka May 24,2014(SDN/QJ)-Magaalada Marka ee gobolka Sh. Hoose ayaa waxa ka soo baxay warar xambaarsan dhiilo colaadeed, wararka naga soo gaaraya degmeda Marka ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen laba meliishiyo oo magaalada ku wada suga.

Meliishaadka ayaa dagaalka magaalada ku dhexmaray waxa ugua dhintay laba ruux halka laba kalena ay dagaalkaasi ku dhaawacmeen, sida ay ilo wareedyo magaaladaa ku sugani u xaqiijiyeen qurbejoog.com.
Magaalada oo dagaalo ku soo nownowdeen sanadihii u danbeeyay ayaa hadana todobaadyadii u danbeeyay nabdooneyd.
Magaalada Marka ayaa xarun muhiima u aheyd dagaalyahanada Al Shabaab oo ay halkaa ka eryeen ciidamao ka amrqaata dawlada iyo kuwa AMOSIM oo iskaashanayaa.
Balse magaalada ayaa mudadaa ka dib waxa gudaheeda iyo duleedkeedaba ku herdemayay meliisho beeleedyo.
Colaadan u danbeysay ee caawa ka dhacday Marka ayaa cabsi gelisay shacabka Degmeda iyo nawaaxigeeda.
Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku dareen in la dareemayo in meliishaadka oo hub iska dhacay ay iminka isu saanad urursanayaan
Wixii ka soo kordha xaaladan magaalada Marka ee kacsan halkan kala soco.
SDN/QJ-Marka
contact@qurbejoog.com

Comments are closed