Dawladda Federal-ka Oo Xaqiijisay In Xildhibaan Yuusuf Dirir Uu Gacanta Ciidanka Dawladda Ku Baxay
Muqdisho:May,24,2015(SDN/QJ)-Dawladda Federalka Somalia, ayaa Xaqiijisay in Weerarkii shalay lagu qaaday Baabuurka ay xildhibaannadu saarnaayeen ee Marayey Waddada Maka Al-mukarama, ay ka dambeeyeen Ciidamo katirsan Kuwa Militeriga Somalia.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf oo maanta Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa cadeeyey in Al-Shabaab aanay ka dambeyn dilka loo geystay Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dilkaasi ka dambeeyay ciidamo katirsan Milatariga kadib kala shaki soo kala dhax galay ciidamadaasi iyo ilaalada Xildhibaanka lasocday.
“Dilka Xildhibaan Dirir Al-Shabaab kama dambeyn waxaa ka dambeeyay Ciidamo katirsan Milatariga kuwaa oo gaadhiga Xildhibaanada daba socday waxa ayna u yeedhiyeen hoon balse gaadhiga kama aanu leexan, waxaana gaadhiga ay wateen milatariga uu marayay saydh qaldan kadibna gaadhiga Xildhibaanada la socdeen ayuu ku horjaray sidaasna rasaasta ugu fureen ‘’ Ayuu yidhi Afhayeenka Wasaarada AMniga.
Afhayeenka ayaa xusay in dhacdadaasi ay ku dhinteen Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo Darawalkii lasocday, waxaana ku dhaawacmay dhacdadaasi Xildhibaan Cabdalla Boos iyo 7-askari oo lix katirsan ay ahaayeen Ciidamada Milatariga sida uu cadeeyay Afhayeenka.
Dowlada Soomaaliya ayaa dilka shalay loo geystay Xildhibaan Yuusuf Diri waxa ay u saartay 7-Xubnood kuwaa oo la sheegay in ay durba bilaabeen baadhitaano la xidhiidha dhacadaasi, waxaana Warka Dowlada kasoo baxay uu meesha ka saarayaa sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in iyagu dilkaasi ka dambeeyeen.
SDN/QJ