|

Somaliland Oo Sabab Dhaqaale Darteed u joojisay Qaxootigii Soomaaliyeed ee Yemen

Hargeysa:May,24,2015(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa Manata ku dhawaaqday inay Gebi ahaanba joojisay qaxootigii Soomaaliyeed ee ka imanayey waddanka Yemen oo hore qaar badan oo kamid ahi Somaliland u yimaadeen.

mushrShir jaraa’id oo ay maanta Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-dejintu ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayey kaga dhawaaqeen inay xukuumad ahaan Go’aan ku gaadheen inay joojiyaan Qaxootiga Somalida ah ee ka imanaya Waddanka Colaaduhu aafeeyeen ee Yemen.

Wasiir Waran-cadde oo saxaafadda la Hadlay, ayaa ku dhawaaqay, ayaa sharraxay sababta ay u joojiyeen Qaxootiga soomaliyeed oo si xad-dhaaf ah waddanka usoo gelaya,

“Somaliland waxa ay hore u ballan qaaday inay soo dhawayso dadka qaxootiga ah Jinsiyad kasta ha ahaadaane ilaa saddex kun oo qaxooti ah baa noo yimi, arrintaasina waxa ay noqotay dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaan mid aanaana qaadi karin.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan qaxooti waddanka iman doonin, iyadoo ay Go’aankaas qaateen markii Hay’adihii wax siin lahaa iska diideen inay qaxootigaas  taakuleeyaan, waxana uu yidhi,

“wixii dambe maadaama Hay’adihii Soomaalid u diideen inay  wax siiyaan Waanu joojinnay, khaladkaana waxa keenay Hay’adihii qaxootiga ahaa ayaa diiday inay kaalmeeyaan, annaguna awood uma hayno, kuwa kale way siiyaan, laakiin soomaalida waxba uma ogolla.”

Wasiir waran-cadde, waxa uu  sheegay in qaxootiga aan soomalida ahayn  ay waddanka iman karaan, isla-markaana kaliya la diiday Qaxootiga asalkoosu soomaalida yahay oo si xawli ah waddanka usoo gelaya.

Arrintan, ayaa ka dambaysay markii dhawaan Markab sida kun qof oo soomali u badan uu kusoo xidhay Dekedda Berbera, isla-markaana ay Baarlamaanka Somalia sheegeen inay bixiyeen Kirada Markabkaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed