|

Dowladda Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay mooshinka ka dhanka ah barlamaanka Dawladda Goboleedka Jubbland

Garoowe May 24,2015(SDN/QJ)-Dawlad Goboleedka Puntland ee dalka soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaleeceynayo moshin baarlamaanka Soomalaiya hor yaala oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubaland, Qoraankan oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaaray ayaa sidan u dhignaa:

“Dawladda Puntland markay qiimaysay mooshinka ka dhanka ah sharciyadda Barlamaanka Jubbaland ee la horkeenay Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya,

Aragtayna qodobada lagu dhisay keenista mooshinkaas ka dhanka ah Barlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland, waxay caddeynaysaa Dawladda Puntland in mooshinkaasi uusan sharci aheyn, isla markaana khilaafsan yahay Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo u ogolaanaya Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay maamulaan arrimahooda daakhiliga ah dhistaana hay’adaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo  Garsoorka.

Waxaa wax lala yaabo ah in meeshii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay hormuud ka noqon lahaayeen yoolasha nabad-dhisidda Soomaaliya ay  caqabad ku noqdaan Barlamaan lagu soo xulay hab ku dhisan wadatashi laguna bixiyey dhaqaale iyo waqti isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Kala duwan ee Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba.

Dawladda Puntland waxay markale canbaareyneysaa mooshikaas sharci darrada ku dhisan oo lagu  hor-istaagayo horumarka iyo nidaamka lagu hirgalinayo hannaanka nidaamka Federaalka ah ee ay Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ku dhisanayaan laamaha ugu muhiimsan maamulka.

Ugu Danbayn.

Dawladda Puntland waxay garab taagan tahay xaqqa ay leedahay Dawlad Goboleedka Jubba-land in ay u gudbaan nidaam dhameystiran dhinaca fulinta xeer-dajinta iyo Garsoorka,waxayna ku boorineysaa Barlamaanka Soomaaliya in uu ku mashquulo arrimaha muhiimka u ah jiritaanka iyo Dawladnimada Ummadda Soomaaliyeed.’

SDN/QJ-Garoowe

contact@qurbejoog.com

Comments are closed