Sucuudiga Oo Djibouti Ku Khasbay Inay Dalkeeda Dib Uga Celiso Diyaarad Iran Lahayd Oo Mucaawimo u Sidday Qaxooti Yemeniyiin ah Oo Dalkeeda Gaadhay
Djibouti:May,24,2015(SDN/QJ)-Dalka Sucuudiga, ayaa ku guulaystay inay Jamhuuriyadda Djibouti ku khasbaan inay dib u celiyaan Diyaarad iran laga leeyahay oo mucaawimo u sidday qaxooti dalka yemen kasoo yaacay oo Djibouti ku sugan. Warbaahinta Iran, ayaa tebisay in diyaaraddu ay gargaar u siday dadka reer Yemen, isla-markaana aynaan Dowladda Jabuuti ka hadlin waxa ay ku diiday in diyaaraddu ka soo degato dalkeeda. Warbaahinta, ayaa xaqiijisay in diyaaraddu ay dib kaga soo laabatay dalka Jabuuti, kuna soo laabatay dalka Iran, sababo la xidhiidha iyadoo dalka Jabuuti loo diiday. Warbaahinta Iran, ayaa Jamhuuriyadda Jabuuti ku eedeysay inay fulineyso awaamiirta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, bacdamaa ay xurguf kala dhaxeyso Iran. Jimcihii dorraad, ayaa waxaa Dekeda Magaalada Djibouti soo gaadhay markab laga lee yahay dalka Iran, kaasoo gargaar u sida dadka u dhashay dalka Yemen, ee gargaarka u baahan. Jabuuti waxay diiday in markabkaasi uu dalkeeda yimaado, haddii kalana ay Qaramada Midoobe baadhitaano ku sameyso, si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka. Iran, ayaa la sheegay inay markabkaasi dalka Jabuuti ugu leexisay, si aynaan isugu dhicin Ciidamada Sacuudiga, oo bad, cir iyo dhulba ka go’doomiyay dalka Yemen, iyadoo laga duulaayo inaan wax hub ihi la soo gaadhsiinin gacanta Xuuthiyiinta.
SDN/QJ