|

Xogo Tilmaamaya Qodobadii Shirkii Wada Tashi ee Xisbiyada iyo Xukuumada Somaliland uu ku fashilmay

Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ)-Wejiga labaad ee Kulanka wadahadalka khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Golaha Guurtida Somaliland u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay Mucaaradku qaaddeceen, ayaa Shalay Galab loo ballansanaa isugu yimaaddeen dhinacyada Xukuumadda, Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo isku dhinac ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo isku dhinac ah,Kaas oo aanay  wax natiijo ahi ka soo bixin.

Kulankii Mucaaridka iyo MuxaafidkaShirkaas oo saacado socday, kuna qabsoomay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa Mucaaradka iyo Muxaafidku isku mari waayeen laba qodob oo ay markii horeba kala taagnaayeen oo ah Go’aanka Guurtiddu ee muddo-kordhintu waa lama taabtaan oo Xukuumadda iyo Xisbigeedu is-taageen, ka dib markii habeen hore go’aan lagu gaadhay Madaxtooyada oo Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada iyo Hoggaanka KULMIYE isugu yimaaddeen inaan laga noqon muddo-kordhinta sannadka iyo 10 tobanka bilood ah.

Halka ay Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa iyaguna is-taagay inaanu sharci ahayn go’aanka Guurtida ee muddo-kordhintu ee uu yahay waxa keliya ee laga wadahadlayo ee khilaafku ka taagan yahay, isla markaana uu Sharci yahay Heshiiskii hore ay Guddiga doorashooyinka Qaranku soo saareen, Xisbiyaduna ay isku raaceen oo dhigayey in muddo sannad ah ay dib u dhacayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, kaasoo ay Guddigu ku sheegeen inay doorashada qaban karaan 1-da June 2016-ka halkii markii hore laga qaban lahaa 26 June 2015-ka.

Haddaba, Shirkaas shalay galab oo ahaa wejiga labaad ee gogosha wadahadalka ee ay Madaxtooyadu dhigtay, ayaan wax natiiji uga soo bixin labada dhinac ee la kala istaagay dartood, isla markaana waxa la iskula qaatay in maalinta Isniinta ah ee toddobaadkan oo ay bishan May tahay 25-ka 2015-ka, la isugu soo noqdo wejiga saddexaad ee gogosha wadahadalka Khilaafka Siyaasiga ah ee ka taagan muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

Gudoomiye Muuse Biixii Iyo Maxamed Kaahin ayaa la sheegayaa inay markii shirka lasku mariweeyey ay ku dhawqeen haddalo looga soo laqimay madaxtooyada waxaanay yidhaahdeen inagu kala kiciya meesha,  halka uu Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici uu isku dayey inuu xaalada dejiyo, balse Maxamed Kaahin Iyo Muuse Biixii oo is garabsanaya ayaa u muuqday rag muran wax ku jiidhsiinaya si  wada hadalku sii socdo, isla markaana ku dhegan go’aankii guurtida,waxaanay markasta isku dayayeen in meesha lagu kala kaco oo uu shirku burburo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in madashii shirku uu buuq iyo sawaxan hadheeyay,sid ay sheegayaan goob-joogayaal madasha shirka ku sugnaa Mr Saylici ayaa dhexda u xidhay inuu xaalada dejiyo akhirkiina wuu ku guulaystay, lakiinse shirkii ayaa sii socon kari waayey wuxuun ka codsaday in maalinta isniinta kulan dambe la isku yimaado, taas oo Labada xisbi Mucaraada WADDANI iyo UCID ay ka aqbaleen codsiga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Saylici.

 

Gudoomiyaha Kulmiye iyo Ku Xigeenkiisa Muuse Biix iyo Maxamed Kaahin ayaa iyagoo muuqaal cadho leh laga dareemayo wejiyadooda waxay ka soo baxeen hoolka shirku ka socday ee Hotel Ambassador ,balse  masuulyiinta labada xisbi mucaarad ayaa ka soo baxay  Hoolka shirka iyagoo faraxsan kuna dhawaaqayey ,kaadi badane waa loo gogol badiyaa isniinta waxba inagama xigaan.

Warbixinta warkaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed