|

Dhallinyaro Kooxo Kooxo Isu laysa oo Cabsi ku abuurtay Shacabka Magaalada Laascaanood Iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Laascaanood, 24.May 2015 (SDN/QJ)- Dhalinyaro Kooxo-kooxo u dagaalama xilliyada habeenkiina isla markaana rabshado ka sameeya xaafadaha, ayaa habeennadii u dambeeyey xaalad ammaan-darro oo hor leh ku soo kordhiyey magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taas oo cabsi ku abuurtay shacabka magaaladaasi.

TALIYAHA-300x187Hab-dhaqanka dhalinyarada kooxeysiga ka bilaabay magaalada Laascaanood oo aan hore uga jirin, waxa si adag uga hadlay Taliska Ciidanka Booliska, Culimada Magaalada iyo Xildhibaannada Golaha deegaanka qaarkood, kuwaas oo bulshada ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta ammaanka isla markaana ay waalidku ka hawl-galaan sidii ay u xakamayn lahaayeen ubadkooda.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Cabdiraxmaan Nuur Col-haye oo ka hadlay arrintan, waxa uu digniin u jeediyey waalidiinta dhalinyarada rabshadaha sameeya oo uu ugu baaqay inay xakameeyaan ubadkooda, isaga oo sheegay in ciidamada Ammaanku bilaabi doonaan hawl-gallo ay qab-qabanayaan dhalinyarada caadaysatay rabshada iyo falalka waxyeellaynaya ammaanka. Waxa uu taliyaha baaq u diray Culimada iyo Wax-garadka gobolka sidii ay uga hawl-gali lahaayeen isla markana ciidamada ammaanka ugala shaqayn lahaayeen ilaalinta nabadgelyada.

“Marka hore waxaanu farriin u diraynaa waalidiinta oo aanu leenahay carruurtiina ilaashada. Marka labaad, waxaanu haynaa liiska magacyada dadka dhibaatada wada oo saddexan,” Sidaas ayuu yidhi taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool. “Waxaan halkan baaq uga dirayaa wax-garadka, culimada, waalidiinta iyo cid kasta oo xiisaynaysa nabad-gelyada gobolka Sool in si wada-jir ah looga hortago dhibaatada ay carruurtu waddo, ciidanka Ammaankuna waxay ku amran yihiin cid kasta oo amni-darro wadda inay soo qabtaan.”

Comments are closed