|

Madaxweyne Gaas oo dhagax-dhigay waddada isku xidha Boosaaso iyo Ceerigaabo Iyo Kormeer uu Ku tegay Xeryaha Qaxootiga Yemen

Boosaaso 24.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Ceerigaabo.

kormer-131Waddada oo dhererkeedu gaarayo 220 km ayaa waxaa hirgalinaya maamulka Puntland, sida uu sheegay madaxweyne Gaas oo la hadlay warbaahinta.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay ka go’antahay inay horumariso adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo gaaro horumar buuxa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay karaankooda caawinayaan qaxootiga kasoo qaxaya Yemen ee soo gaaraya Soomaaliya, gaar ahaanna deegaannada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas aya Gudoomiyaha gudiga qaabilada iyo dib u dejinta Qaxootiga ka dhegeystay warbixin ku saabsan xaalada guud ee qaxootiga iyo waliba siyaabaha noloshooda loo maarayey.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay xerada Qaxootiga aya ku weheliyey Qunsulka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya iyo waliba Safiirka Yemen ee Soomaaliya Mansur Ali Riyash.

Madaxweyne Gaas oo gudaha xerada Qaxootiga warbaahinta kula hadlay aya sheegay in markii uu bur-buray dadka Soomaaliyeed dad badan oo Soomaaliyeed u baxsadeen Yemen Islamakana si fiican loogusoo dhowayey Puntlandna haatan ayka go,an tahay taageerida iyo dib u dejinta Qaxootiga dhibaataysan ee isugu jira Yemeniyiinta iyo Soomaalida ee kaso cararay saamaynta dagaal ee Yemen.

…Waa wanaag lagu yaqaanay Puntladn, wanaagaas aan sameynay ma ahan mid aan dad wax uga raadinayno ILAAH dartiis ayaan u sameynay ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Puntland.

Safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya Mansur Ali Rayash iyo Asmalash oo ka mid ahaa madaxdii la la hadlay warfidyeenada ayaa sheegay in Puntland iyo shacabka ay abaal lama illaawana u galeen qaxootiga u dhashay Yemen iyo Itoobiya.

Comments are closed