|

Maamulka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Wariyayaal Katirsanaa Idaacadda Daljir

Garowe:May,23,2015(SDN/QJ)C-Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland, ayaa xabsiga dhigay Wariyayaal ka hawlgala Idaacadda Daljir, iyadoo aan wali la caddayn sababta keentay xadhigooda.

darjCiidamada maamulka Puntland ayaa  goobta shaqada ka kaxaystay Agaasimaha idaacadaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan Xuseen Gaardi iyo Tifaftiraha idaacadda Daljir Jamaal Faarax Aadan, kuwaasi oo iminka xabsiga la dhigay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xadhiga loo geystay madaxda Radio Daljir uu la xidhiidho kaddib markii idaacadda laga sii daayay barnaamij dood ah oo k saabsanaa tan iyo markii xilka Madaxweyne uu qabtay C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala Idaacadda Daljir ayaa sheegay in xadhiga idaacadda loo aaneynayo barnaamij ka baxay idaacadaasi.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Puntland xabsiga dhigo weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan, iyadoo dhowaan shaqada laga joojiyay Telefishanka Qaranka ee SNTV oo Dowladda Federaalka maamusho.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed