|

Weerar Lagu Qaaday Mudanayaal Baarlamaanka Somalia Katirsan iyo Magacyada Xubno Dhaawac La Gaadhsiiyey

Muqdisho:May,23,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonsan, ayaa Maanta weerar ku qaaday Gaadhi ay wateen Mudanayaal katirsan Baarlamaanka Somalia Aagga Waddada Maka Al-mukarama.

dhocrWararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaadhiga ay saarnaayeen Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu gaadhi kale rasaas ku furay, waxaana xiligaa kadib la maqlay rasaas xoogan oo dhacday oo la sheegay in ciidamo kale oo dowlada ay u gurmadeen Xildhibaanada.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Xildhibaanada gaadhiga ay saarnaayeen rasaas lagu furay, waxaana kooxihii weeraray Xildhibaanada iyagana beegsaday oo rasaas ku furay gaadhi kale oo la sheegay in ay la socdeen Ciidamo katirsan Dowlada.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Gaadhiga la weeraray ay saarnaayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay laba Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cabdalla Boos Axmed iyo Yuusuf Maxamed Dirir.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed