|

“Anigu ballan baan sii qaadayaa oo Xataa Haddii La I Dhirbaaxo Oo ay Igu Xanaaqaan Oo Koobab Ilaa Dhacaan Ka Ugu Dambeeya ee Fadhiyaan Ahaan Doonaa. Iyaguna yaanay….” Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa:May,23,2015(SDN/QJ)-Guddoomiya-yaasha Axsaabta Kulmiye iyo Ucid, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali-Waraabe, ayaa Madal ay habeenkii xalay ku kulmeen kaftan siyaasadeed oo farshaxamaysan ku maasheeyey dadkii goobta joogay, iyagoo isku weeraray  arrimo xiiso badan oo shirka maanta loo ballansan yahay kamid yahay.

muuse biiiixiMadasha siyaasiyiintani iska heleen oo ahayd mid lagu soo bandhigayey Buug laga qoray taariikhda Awbaan Mujaahid Maxamed Xaashi Dhamac(gaarriye), ayaa Hadallo Goobta ka kasbaday sacab iyo mushxarad badan ay labda masuul isweydaarsadeen, iyadoo dooddu ka kacday Buugaagtii Goobta taallay oo iibsigooda la isku xafiileeyey.

Masuuliyiintan, ayaa ka baxay Ujeeddadii Madasha, waxana ay hadalkooda gaadhsiiyeen inay isku hiiraamaan Madasha qaran ee Maanta loo ballansan yahay, taas oo la filayo inay kasoo baxaan go’aan lagu khafiifinayo Khilaafka siyaasadeed ee waddanka ka taagan.

Ugu horrayn waxa hadalka qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, waxana ka  Guddoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani oo Goobta wada joogay ku sheegay qaar ka jeeb roon oo Kulaalayo Khasnado qaranku leeyahay, isla-markaana aan isaga la barbar dhigi Karin, marka Xagga wax iibsashada laga hadlayo,

“Mid dood baan ka qabaayoo saddexda-yada Guddoomiye ma sinning, mid waa xisbul-xaakimkii oo wasiirkii maaliyadddu leeyahay, nin-na Waa Guddoomiyihii Baarlamaanka Waddanka oo Laba Milyan buu Maamulaa, Laakiin Waxan ku Baxsanayaa Habaryartay baa maaliyadda Haysa.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiye Faysal, ayaa Khudbaddiisa kusoo gunaanaday Hadal kooban oo keenay inuu Guddoomiye Muuse Biixi  Bixiyo jawaab gaadhay ka Hadalka madasha maanta la iskugu iman doono, taas oo uu xukuumadda ku duray, waxana uu yidhi,

“Ilaahay Xukuumaddeena Dhegaha ha u furo.”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Hadalkaas iyo qaar kale oo ka horreeyeyba ka jawaab, waxana uu ugu horrayn jawaab waafi ah ka Bixiyey hadal hore madasha looga yidhi, kaas oo ahaa in Haddii uu Gaarriye Noolaan lahaa Saddexda Xisbi qaran tartan ugeli lahaayeen, waxana uu ku jawaabay,

“ Gaarriye Hadduu caawa Noolaan lahaa kumaanu maraneen Kulmiye, tag, Waddani Tag iyo Ucid Tag. Sababtana waan sheegayaa oo waxanu iskugu nimi Uuladii dabadeedna meel baanu wada fadhiisanay. Waxana intaas noo dheeraa galabtii waxanu isku heli jirtey firaaqo badan, maadaama anniga Hooyaday  iyo Aabahay ay  miyi joogeen, isaguna uu Agoon ahaa. Markaa labada Guddoomiye midna intaas gaarriye islamay garteen”

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, ayaa soo dhaweeyey hadalkii Faysal calio-waraabe, isagoo mucaaridkana ilaahay uga Beryey inuu qaboojiyo,

“Faysal waxa uu yidhi ilaahayow Dawladdu noo dhego nuglaataa, Aamin way furan yihiine anna waxan leeyahay ilaahay cadhada Badan mucaaridka haka qaboojiyo, Berritona waa tegaynaa noo soo duceeya.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa si toos ah ugalay Wada-hadalka maanta la filayo, waxana uu ku baanay inuu dulqaad iyo odaytinimo la gole tegi doono, xataa haddii gacan la saaro, waxana uu yidhi,

“Berri arrin baa jirta  oo waa la murmayaa, ilaahay mucaaridkayaga kama dhigo qaar fudud oo markaaba irrida kasoo booda, kollay anigu ballan baan sii qaadayaa oo  ka ugu dambeeya ee fadhiyaan ahaan doonaa xataa haddii la I dhirbaaxo oo ay  igu xanaaqaan oo koobabka ila dhacaan, iyagu uun yaanay noqon kuwa soo boodda’e  aynu bahasha miyir-qab ku darno oo ka is kaantaroolaan.”

Guddoomiye Muuse oo sidoo kale jawaab xiiso leh ka Bixiyey hadallo kaga yimi dhinaca Guddoomiye Faysal, ayaa waxa uu yidhi,“Faysaloow halkaa waad noo qarisaye ma tuug baad tihiin baad leedihiin oo waxa umadda ayaad cunaysaan, waxa umadda waa la ilaaliyaa lama boobabayo.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed