E-mail-lada Muranka Badan Dhaliyey Ee Hilery Clinton Gaarka u Isticmaashay Oo Lasoo Bandhigay
Washington:May,23,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Dimuqraaridigga waddanka Maraykanka, ayaa Markii ugu horraysay si rasmi ah usoo bandhigay E-mailka gaarka ah ee Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Hilary Clinton, kaas oo dalkaas muran badan ka dhaliyey.
E-mailkan, ayaa waxa la baahiyey waxyaabo tiro badan oo ay Haweenaydaasi ku baahisay xilligii ay xilka sare haysay, kadib markii xisbiga Jamhuurigu ku eedeeyeen in Email-kaas lagu gudbiyey waxyaabo badan oo la qarinayey taas oo noqon karta khiyaamo qaran.
Waxyaabaha keenay in E-mail-lada gaarka ah la baadho, ayaa waxa dibadda u soo baxeen kadib markii kooxo islaamiyiin ahi ay dileen Afar qof oo maraykan ahaa, kuwaas oo kamid ahaa Safiirkii dalkaas u fadhiyey waddanka Libya.
Su’aasha ayaa Noqotay sababta keentay inay E-mail gaar ah samaysatay, taasoo tuhun gelisay inay wax qarinayso.
Ilaa hadda ma jiro wax weyn oo E-maillada lasoo bandhigay laga helay, waxase Emaillada la diray lagu sheegay ugu yaraan Soddon Kun oo midh oo ay ku dirtay E-mailkeeda gaarka ah.
Jamhuuriga, ayaa ku andacoonaya inaan wali la gaadhin E-mailladii waaweynaa ee sirtu ku duugnayd oo ay soo socdaan.
Arrintan, ayaa la filayaa inay Saamayn ku yeelato Clinton oo sida la shaaciyey musharraxad u ah xisbiga Dimuqraaddiga.
SDN/QJ