|

Doorashooyinka Baarlamaanka Dalka Ethiopia Oo Si Weyn Loogu Diyaargaroobayo

Addis Ababa:May,22,2015(SDN/QJ)-Doorashooyinkii baarlamaanka waddanka Ethiopia, ayaa la filayaa inay maalinta Axadda ah waddankaas ka bilaabmaan, waxana socda Diyaargarow baahsan oo codaynta la xidhiidha.

eeoIfafaalaha muuqda ayaa la sheegaya inay muujiyeen in Isbahaysiga EPRDF ee haatan xukunka hayaa ay guulo kasoo hoyn doonaan Doorashooyinkaas.

Isbaheysiga EPRDF ee uu hogaamin jiray Meles Zenawi ayaa doorashadii hore oo dhacday shan sano kahor ku guuleystay 499 kuraasta Baarlamaanka Itoobiya oo ka kooban 547 kursi, walow 22 kamid kuraasta Golaha Shacabka si gaar ah loogu qoondeeyey dadka laga tiro badan yahay.

EPRDF oo ka kooban isbaheysi ay ku mideysan yihiin xisbiyo kasoo jeeda qawmiyado kala duwan ayey u diiwaangashan tahay 6 milyan oo iyaga u codeeya, waxayna leeyihiin awood balaadhan oo ay dadka ku abaabulaan, taasi oo aanay heysan xisbiyada mucaaridka.

Mucaaridka ayaa ku eedeenaya xukuumada talada heysa inay cabudhin xoogleh ku heyso iyaga iyo waliba saxaafadda. Mucaaridka ayaa sanadkan isku dayaya inay helaan illaa 100 kursi ee Golaha Shacabka (Baarlamaanka).

Raysalwasaaraha xilka haya Hailemariam Desalegn ayaa ka tirsan xisbiga TPLF waana hogaamiyaha Isbaheysiga talada haya EPRDF ayaa dhankiisa ku faana in horumar badan ay gaadhsiiyeen dalkaasi dhanka Ganacsiga, Wax-soo-saarka iyo horumarinta magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed