Kooxda Daacish oo Gacanta ku dhigay Magaalo Istiraatiji ah iyo Xulufada Maraykanka oo dib u eegis ku samaynaya qorshaha la dagaalanka ISIS
Tadmur 22.May 2015 (SDN/QJ)- Ururka Daacish ayaa xajisanaya maamulka magaalada Tadmur oo ah magaallo taariikhi ah oo ay ku yaallaan dhismooyinkii boqortooyadii Romanka ee magaaladii Palmyra. Daacish ayaa ciidamada dowladda shalay ka qabsatay magaaladan.
Maleeshiyada Ururuka Daacish ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya magaalada taariikhiga ah ee Tadmur oo ay ka muuqdaan astaamaha haraadiga dhismooyinkii boqortooyadii Romanka ee magaaladii Palmyra, saacado ka dib markii ay xoog kaga saareen ciidamada dowladda sida ay sheegtay kooxda la socota arimaha Syria.
Kooxdan, The Syrian Observatory for Human Rights, oo fadhigeeduyahay dalka Britain ayaa sheegtay in mintidiinta Daacish ay Arbacadii shalay la wareegeen xarun ka mid ah xarumaha ay hey’adda Qaramada Midoobay ee dhowrista waxbarashada, seyniska iyo dhaqanka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo UNESCO ku dartay liiskeeda goobaha taariikhiga ah ee dunida, goobtaas oo jirtay muddo ka badan 2,000 oo sanadood.
Ma jiraan weli warar sheegaya in haraadigaasi taariikhiga ah burbur loo geystay, laakiin horey ayey kooxdan dhulka ugu dartay goobo badan oo taariikhiga ah, iyagoo ku tilmaamay raadadka cawaan aan diinta shaqo ku laheyn.
Dowladda Syria ayaa sheegtay in boqolaal ka mid ah taalooyinkii taariikhiga ahaa ee magaaladaa ka taagnaa inay halkaasi ka qaadeen ka hor inta aysan qabsan mintidiinta.
Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marie Harf ayaa Iyana sheegtay inay walaac ka qabaan isla markaana ay rajeynayaa in aan la burburin taariikhda dhaxal galka ah ee magaaladaas.
Dhanka kalena Wadamada xubnaha ka ah Isbaheysiga la dagaalanka kooxda ISIS ayaa dib u eegis ku sameenaya qorshahooda kadib guulihii kooxdaasi ISIS ay ka gaartay dagaalka ka socda Ciraaq & Siiriya.
Wadamada Isbaheysiga la dagaalanka ISIS xubnaha ka ah ayaa gaaraya 60 wadan, kuwaasi oo ku balansan 2da bisha June inay isugu yimaadaan magaalada Paris.
Kooxda ISIS ayaa guulo horleh ka gaartay dagaalada ka socda dalka Ciraaq, waxayna kooxdaasi todobaadkan la wareegtay magaalada Ramadi ee xarunta gobalka Anbar ee bartamaha dalka.
ISIS ayaa sidoo kale qabsatay dhul horleh oo ka tirsan dalka Siiriya.
Isbaheysiga la dagaalamaya ISIS ee uu hogaamiyo Maraykanka ayaa doonaya inay ka shiraan waxa ka khaldan istaraatijadooda dagaalka iyo wixii laga bedali karo habka ay u abaareen kooxdan.
Tadmur SDN/QJ