|

Kenya Daacuun Xoogan oo ka Dilaacay,WelWelka Dawlada Iyo Korodhka Tirada u dhimatay iyo Kuwa uu Soo Ritay

Nairobi 22.May 2015 (SDN/QJ) :- Khoborada dhinaca Caafimaadka ee waddanka Kenya, ayaa  u ballansan shir ay kaga arrinsanayaan sida wax looga qaban karo Cudurka Daacuunka oo dalkaas ka dillaacay, isla markaana dad badani u jiifaan, in badan oo kalena u dhinteen.

Kenya-Cholera-1-300x200Dawladda Kenya, ayaa shaaca ka qaadday in Cudurka Daacuunku (Cholera) uu ka dillaacay dalkeeda, isla markaana dad tiradoodu ay gaadheyso illaa 65 Ruux uu dilay ama ay u dhinteen, kuwaasoo uu ku asiibay qeybo kala duwan oo ka tirsan gobollaada iyo degmooyinka waddankeeda.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya James Wainaina Macharia, ayaa sheegay in Daacuunku uu si ba’an u asiibay qeybo ka mid ah goballada Kenya, waxaanu intaas ku daray in dad tiro badan uu Cudurkaasi soo ritay. Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayuu sheegay Wasiirku iney hada wado dedaallo lagaga hortagayo Kalooraha oo la xaqiijiyay inuu ka dilaacay bilihii la soo dhaafay illaa 10 Ismaamul-gobaleed oo ka tirsan Kenya, isla markaasna ay ugu daran yihiin Ismaamulada Nakuru oo ka tirsan gobalka Rift Valley iyo magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaa sidoo kale walaac ka muujisay tirada sii badaneysa ee Bukaannada uu Daacuunku soo ridanayo, waxaanay ugu baaqday Shaqaalaha Caafimaadka ee Maamulkada kala duwan ee Kenya, iney isugu yimaddaan kulan lagaga arrinsan doono sidii looga hortagi lahaa khatarta cudurkaas oo lagu wado maalinimada Khamiista Berri inuu ka furmo magaalada Nairobi.

James-Macharia-300x209Cusbitaalka Qaranka Kenya ee Kenyatta National Hospital (KHN) oo ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagula tacaalayaa kiisas dad qaba cudurkaas Daacuunka oo laga keenay Xaafadda isku raranta ah ee Kibera ee isla Nairobi. Sidoo kale goobaha Cudurkaasi uu ka dilaacay waxaa ka mid ah Xabsiyada waa weyn ee ku kala yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee kala ah Kamiti iyo Shimo La Tewa, kuwaasoo laga deyrinaayo xaaladahooda Caafimaad.

Qasaaraha cudurkaas iyo sida uu ugu kala badan yahay deeganada Kenya, ayaa warbixin laga soo saaray dhawaan waxa lagu sheegay in magaalada Nairobi uu cudurkaas ku asiibay dad gaadhaya 371, isla markaana uu dilay ama ay u dhinteen 16 qof, halka magaalada Mombasa uu 99 qof lagu arkay, kuwaasoo 5 ruux oo ka tirsani u dhinteen Xanuunkaas Daacuunka. Sidoo kale Magaalooyinka Nakuru, Migori, Homa Bay, Bomet, Muranga, Kirinyaga iyo Kiambu, ayuu dad badan ku soo ritay xanuunkaasi.

Cudurka Daacuun-Caloolaha oo ka dilaacay Kenya bishii December ee sannadkii aynu soo dhaafnay, ayaa illaa iyo hadda waxa la xaqiijiyay inuu ku dhacay dad gaadhaya 3,234 (Saddex kun, labo boqol, soddon iyo afar qof), isla markaana uu dilay 65 qof, illaa iyo haddana ay dad badani u jiifaan Xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka waddanka Kenya.

Comments are closed