Farqi noocee ah ayaa u dhexeeyay Madaxweyne Siilaanyo Markii lagu dhawaaqayay Gooni isu taaga Somaliland iyo Maanta DAAWO
Hargaysa 22.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Warbaahinta Xukuumadda Siilaanyo u xayiran ee Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa ka warramay halka uu Madaxweynaha talada Somaliland maanta haye ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hore uga taagnaan jiray qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland iyo halka uu maanta ka taagan yahay iyo faraqa kala duwanaanshaha u dhexeeya.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo hadal ka jeediyey Munaasibad Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ugu dabbaal-degay 18-ka May ee 24-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland, Waxaannu Khudbadda Yuussuf Cabdi Gaboobe ka jeediyey Xafladdaas oo lagu qabtay Hargeysa iyo waxyaabaha uu kaga hadlay-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo Wanaagsan:-
Hargaysa SDN/QJ