|

Mas’uul ka Tirsan Xisbiga Ucid oo Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex dusha u saaray Mas’uuliyada Falal amni Xumo oo Hargaysa lagu arkay

Hargeysa 22.May 2015 (SDN/QJ) Xoghayaha Warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha gobolka Maroodijeed Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare).
yuusuf ucid“Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay inuu sharciga iyo qawaaniinta dalkan u dajisan ku ilaaliyo Xukuumada,sidaas daraadeed intii Badhasaabka gobolka Maroodijeex lakeenay caasimada waanu ognahay oo waa finish caasimadii, maalin walba mayd ayaa laga helayaa dooxyada hargaysa,shacabkii ayaa lagu laynayaa degmooyinka dhexdoodii,Subax kasta boqolaal qof ayaa xafiiska noogu yimaado Cabasho xukuumada ka sida,madaxwaynaha somaliland waxaan leeyahay maxaad caasimada kaga eegaysaa Badhasaabka Xafiiskiisu xidhan yahay wakhti kasta.” ayuu yidhi Yuusuf Kuse

Xoghayaha Warfaafinta UCID oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Awal hore Badhasaabka waxa la arki jiraY 18k-a May oo kaliya sanNadkan meel uu marayo cidi may arag,waxa ay ahayd inuu shaqeeyo Xafiiskii wakhti kasta si uu ugu adeego bulshada rayidka ah, Madaxwaynaha waxaan u soo jeedin lahaa inuu si deg-deg Ah xilka u qaado Badhasaabka Gobolka Maroodijeex. Booliska dhamaa waxa uu qaban kari waayay ciyaal xaafadkii,waxa lumay haykalkii iyo kala danbayntii Ciidanka Booliska Somaliland nin amarka Nin siin karaa majirto,markaad hargaysa ka baxdo ayaad ogaanaysa in ay ciidanku yihiin waxba yahay oo waliba dirays kala kaan Ah xidhan yihiin,Markaad gaadho oog bilays majoogo oo istabkasta waxa taagan Millatari.”

Waxaanu intaas ku daray “Ciidanka Boolisku waa laf-dhabarta somaliland waxaana madaxwayne loo baahan yahay in Ciidanka Booliska Latayeeyo si Ay somaliland Amniga ay ku faanto hoos u dhaci ugu imana ee kor u kaci ugu yimaado, waxaanan Farayaa madaxwayne siilaanyo inuu Xilka ka qaado uma Qalmee Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex.”

Comments are closed