|

Lacag la’aan sababtay in Iridaha loo laabo Goobihii diiwaangelinta Madaniga ah

Hargaysa 21.May 2015 (SDN/QJ)_ Guud ahaanba xarumihii diiwaangalinta ee dalka ayaa albaabada laysugu dhuftay kadib markii shaqaalihii goobahaas labadii bilood ee ugu danbeeyay aan la siin wax mushahar ah.
sax1-640x400Wasaarada arimaha gudaha ayaa shaqaalahan qaadatay kuwaas oo ku dhaw shanboqol oo ka mid ah ardaydii jaamacadaha dalka waxaanay ka hawlgalisay gobalada Maroodi-jeex,Awdal,Saaxil,Togdheer iyo Ceerigaabo.

Shaqaalahan iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay ahaa kuwo madaxa iskula jira waxaanay xabsiga u taxaabtay lix shaqaalahaas ka mid ah oo midkood wali xabsiga ku sii jira, sida oo kale wasaaradaha arimaha gudaha iyo maaliyada ayaa shaqaalahaas u sheegay in aanay wax dhaqaale ah u ahayn iyada oo wasaaradiba wasaarada kale ay ku riixday.

Gudi shaqaalahaas diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay iska saareen oo ka kooban 27 xubnood ayaan ilaa hada u muuqata mid aan helin cid u soo istaagta iyo halkii shaqaalahaasi uu u raaci lahaa mushaharkiisa. Waxa xusid mudan in shaqaalhii degmooyinka Hargeysa hoosyimaada ay magaaladda ugu soo xaroodeen lacag la’aan soo food saartay.

Comments are closed