|

Dalka Sucuudiga Oo La Baafinayo Siddeed Qof Oo Dilalka Qoor-gooyada ah Fuliya

Riyad:May,21,2015(SDN/QJ)-Dalka Sucuudiga, ayaa waxa la baahiyey shaqo shaqooyin warbaahinta caalamku si weyn u hadal hayso, kaas oo ah in la rabo dad sameeya dilalka Goor-gooyada ah ee Dawladdaasi samayso.

guddorBoqortooyada Sucuudigu waay warbaahinta marisay ugu yaraan  8-ruux oo loogu tala galay in ay noqdaan kuwa qoorta ka gooya dadka lagu xukumo xukunada dilka ah.

Dadka shaqadan doonaya ayaan lagu xirin wax shuruud ah , waxaana kaliya laga doonayaa in uu qoorta seef uga jari karo dadka lagu xukumo dilka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa inta badan waxaaka dhaca xukunada dilka ah ee qoorta dadka laga jarayo, waxaana sanadkan oo kaliya dalkaasi qoorta looga jaray dad gaadhaya 85-qof kuwaa oo galay dambiyo kala duwan.

Waxaa marar badan lagu canbaareeyay Sacuudiga xukunada dilka ah uu fuliyo wadankaasi, waxaana la sheegay in sacuudigu uu kaalinta saddexaad kaga jiro wadamada ugu badan ee xukunada dilka ah fuliya.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed