|

Ra’iizul wasaaraha Soomaaliya oo hab aan hore loo arag uga qeyb galay kulankii Golaha amaanka

Muqdisho May 20,2015(SDN/QJ)-Ra’iizul wazaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka qeyb qaadanaye kulan ay lahaayeen golaha amaanka isagoo ku sugan magaalada muqdisho isla markaana si toos ah ugu qeyb galaye ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Ra’iizul wazaare Cumar ayaa si gaar ah ugu hadlay: Hormarka dowladda Soomaaliya, Hiigsiga sanadka Soo socda 2016-ka iyo diyaar garowga dowladda ay ugu jirto, la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab, u gurmashada dadka kasoo cararaya Colaadaha Yemen ka jira, dhismaha Ciidamo qaran oo ay ku mideysan yihiin dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada hoos taga.

Ra’iizul wazaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa mar uu ka hadlay arinta ku aadan dhismaha Ciidamada qaran waxa uu sheegay in uu meel gaba-gabo ah marayo qorshahaasi waxa uuna intaasi kusii daray in howshaasi ay wax badan ka qaban doonto nabad galyada iyo siyaasadda ee ka wada dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada.

Dhanka Hiigsiga sanadka soo socda ee 2016-ka mar uu ka hadlay waxa uu shaaciyey in uu rajo weyn ka leeyahay in dalka ay ka dhacdo doorasho isagoo intaasi ku sii daray in iminka ay wadaan howshaasi maadaama dowladda lasoo dhisayo ay noqon doono mid badasho mida hadda uu Ra’iizul wazaaraha ka yahay.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirkaasi Nicholas Kay oo ah wakiilka Q/M ee Soomaaliya waxa uuna shaaciyey in Xaaladda Soomaaliya ay tahay mid kasoo hagaageyso sanado kahor, waxa uuna adkeeyey walaacii uu muujiyey Xog hayaha guud ee Q/M Bank Moon oo ahaa in ay ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay soo galaan xubnaha Aqab katirsan ee ka dagaalama Wadanka Yemen.

Golaha amaanka ayaa looga fadhiyaa in ay go’aan rasmi ah kasoo saaraan Xaaladda Soomaaliya maadaama iminka ay soo kordheen dhibaatooyinka ka jira Wadanka Yemen oo qul-qulka Soomaalida iyo Yemeniyiinta laga dareemayo Soomaaliya.

 

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed