Madaxweynaha Turkiga oo Codsaday in Albaabada loo laabo Dugsiyo Waxbarasho ka dhisan Waddamo Somaliland ku jirto Iyo Asbaabaha Kelifay
Ankara, 20 May, 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Dayib Erdogan, ayaa dhowaan soo saaray wareegto ugu baaqaysa Madaxda 140 waddan oo Shanta Qaaradood ee adduunka ku yaala inay albaabada u laabaan isla markaana dalalkooda ka madnuucaan Dugsiyo maamulkooda Urur-diimeed lagu magacaabo Gülen Movement oo ah dhaq-dhaqaaq uu hoggaamiyo Wadaad mucaarad ku ah dowladda Turkiga oo lagu magaaabo Fethullah Gülen oo mastaafuris ahaan ugu nool waddanka Maraykanka.
Dhaq-dhaqaaqa Gülen oo sidoo kale loogu yeedho Hizmet, ayaa dowladda Turkigu ku eedaysay inay ku hawlan yihiin mucaaradad lagu af-gambiyayo dowladda Turkiga isla markaana faafinayo siyaasado liddi ku ah dowladda uu madaxda ka yahay madaxweyne Reccep Erdogan..
Sida aanu ka soo xigannay jariiradda Dailysabah ee dalka Turkiga, madaxweyne Reccep Dayib Erdogan, ayaa ku guulaystay dedaallo iyo ololeyaal caalami ah oo uu ka soo horjeedo urur-diimeedka Gülen, isaga oo soo-dhawayn ballaadhan kala kulmay madaxda waddamo dhowr ah oo uu booqasho ku tagay kaddib markii uu Qorshahan u bandhigay, kuwaas oo kala ah madaxweynayaasha dalalka Azerbaijan, Gabon, Senegal, Kosovo, Congo, Kazakhstan, Somalia, Japan iyo Tajikistan oo la sheegay inay ku qanceen soo-jeedinta madaxweyne Erdogan oo ururka ku tilmaamay Dhaq-dhaqaaq ku hawlan kacdoonno ka dhan xukuumaddiisa. Waxaanu u ballan-qaaday inuu ku beddeli doono Dugsiyo maamulkooda ay gacanta ku hayaan Ururro samo-fal oo dowladda Turkig maalgeliso.
Dhaq-dhaqaaqa Gülen oo waddamo badan oo adduunka ah kaga hawl-gala ururro-samofal iyo dhaq-dhaaqayo u dooda xuquuqda bani’aadamka iyo dimuqraadiyadda, ah ayaa hore looga madnuucay dalka Turkiga, iyadoo albaabada loo laabay xarumo waxbarasho oo ay maalgeliyaan.
Madaxweyne Erdogan oo horaantii sannadkan socdaal ku yimi waddanka ay deriska nahay ee Itoobiya, ayaa mar uu ka hadlayey shir-jaraa’id oo isaga iyo Raysalwasaaraha Itoobiya si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Addis Ababa, waxa uu madaxda qaaradda Afrika ugu baaqay inay xididdada u siibaan dugsiyada ay maamulaan iyo kuwa xidhiidhka la leh Urur-diimeedka Gulen.
Dugsiyo dhowr ah oo ay maamulaan Ururro samo-fal ah, ayaa ka furan deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, Ethiopia iyo Soomaaliya. Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxa dhowr sanno ka hor laga furay Dugsi Sare oo loogu magacaabo Somaliland VifakTurkish, kaas oo ay wax ka bartaan Arday Reer Somaliland oo qaarkood waxbarasho Jaamacadeed Dibadda loogu loogu qaaday.
Dugsiga VifakTurkish ee magaalada Hargeya oo lagu barto Farsamada Gacanta isla markaana ah Boarding ay ardaydu u hoydaan, waxa ka diiwaan-gashan 190 arday, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Hezmet horaantii sannadkan. Sidoo kale, magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa dhowaan laga furay Dugsi maamul ahaan hoos-taga Urur samo-fal ah oo dalka Turkiga laga leeyahay.
Sidoo kale, magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa sannadkii 2011 laga furay Saddex dugsi oo isugu waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare, kuwaas oo lala xidhiidhay inay Dhaqaale ka helaan Ururka Gulen.
Maamulka Dugsiga Somaliland VifakTurkish ee magaalada Hargeysa iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno dhawaaqa ka soo yeedhay madaxweynaha Turkigu, nooma suurta-galin inaanu midkoodna ku helno khadka telefoonka. Haseyeeshee, magacyada Dugsiyada laga hirgeliyey magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ee Ururrada Turkish ahi gacanta ku hayaan, ayaanu ka helnay bogagga Internetka ee Dhaq-dhaqaaqa Hizmet (Gulen) oo lagu daabacay warbixinno laga soo saaray Waxbarashada Dugsiyadooda iyo wax-qabadyada kale ee ka fuliyaan in ka badan 140 waddan oo Adduunka ah.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno arrintan, ayaan noo suurta-galin inaanu helno, kaddib markii uu ka jawaabi waayey telefonkiisa gacanta oo aanu tiraba dhowr jeer ka wacnay.
Lama oga in codsiga madaxweynaha Turkigu soo gaadhay Xukuumadda Somaliland, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo aanu arrintan wax ka weydiinnay way gaabsadeen inay ka hadlaan, balse, madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ammaanay wax-qabadka tacliinta ee Dugsigani ku soo kordhiyey dalka, isaga oo madaxweynuhu sidan ka sheegay kulan isaga iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ku qaabileen Maamulaha Dugsiga tabobarka Xirfadaha ee Hargeysa Şahin Sevim horaantii sannadkan.
Waddanka Turkiga, ayaa markii u horeysay muddo qarni ku dhow dib u bilaabay xidhiidhka uu la leeyahay waddamada Afrika, gaar ahaan Soomaalida sannadkii 2011, wakhtigaas oo raysalwasaarihii hore ee Turkiga immikana ah madaxweynahas dalkaasi socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxaana muddadii ka dambaysay xilligaas ku soo badanayey deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Somalia, ururro sama-fal iyo hay’ado laga leeyahay waddanka Turkiga, kuwaas oo ka fuliyey mashaariic horumarineed iyo kuwo samafal ah. Sidoo kale, dowladda Turkigu waxa ay saamayn ku yeelatay siyaasadda Soomaalida, gaar ahaan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.