Ma jira Wax Khasaare ah oo ka Dhashay Mudaharaad ruxay Magaalada Burco DAAWO
Burco 11.May 2015 (SDN/QJ)- Mudaharad Baladhan Oo Lagaga Soo Horjeeday Muddo Kordhinta ay Sameyeen Golaha Guurtida Somaliland Ee ay u Sameyeen Xukumada Axmed Siilanyo ayaa Maanta Gilgilay Magalada BurcO.
Mudaharadkani Oo ahaa Mid Baladhan Oo ay ka qayb-qadanayeen Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer,Tagerayasha Tirada Badanle Ee Xisbiga Mucaradka ah Wadani Ee Gobalka Togdheer iyo Qaar ka Tirsan Dadwaynaha Reer Togdheer ayaa iyagu manta ka qayb-qadanayay MudaharadkaasI.
Sidoo kale Ciidanka Booliska Gobalka Togdheer ayaa iyagu Gabi ahaanba la Waregay Xafiiskii Xaruunta Dhexe Ee Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Waxaanay Ciidankani Gabi ahaanba Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer ay u Dideen inay Halkasi Kala Hadlaan Tagerayasha Xisbiga Wadani Ee iyagu Maanta soo Buuxdhafiyay Xaruunta Dhexe Ee Xisbigaasi,
Tagerayasha Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer ayaa iyagu Taayiro Tirro badan ku Gubay Wadooyinka Halbowlaha ah Ee Dhex Mara Magalada burco,
Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Togdheer ayaa iyagu Saaka Subixii Hore Ciidamo Tiro badan oo isagu jira Boolis iyo Milateri ku soo dhoobay gudaha magalada burco si ay uga hortagaan mudaharadka lagaga soo horjeedo mudo kordhin ay golaha guurtidu u samayeen xukumada silanyo,
Mudaharadkani Baladhan Ee Maanta ka Dhacay Magalad Burco ayaa wali ka Socda Magalada burco ilaa iyo imikan ma Jirto Wax Khasaare ah Oo Uu Sababay Mudaharadkani,